Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu ka dayriyey xaaladda xisbiga Waddani, waxana uu sheegay in uu taageeray Garabka Toosinta Waddani

Guddoomiyaha guddi-hoosaadka distoorka iyo xuquuqda aadamiga ee golaha wakiillada, isla-markaana xubin sare ka ah xisbiga Waddani, ayaa markii ugu horraysay si furan uga hadlay dhibaatooyinkii ka dhacay shirkii golaha dhexe ee xisbiga Waddani,  isaga oo walaac ka muujiyey xubnihii kasoo baxay xisbiga Kulmiye ee dhawaan Waddani la midoobay.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo u warramay weriye Cabdishakuur Dayib oo katirsan HCtv, ayaa shaaciyey in uu si rasmi ah ugu biirayo garabka  uu hoggaamiyo guddoomiye Axmed Muumin Seed, waxaana uu hoosta ka xarriiqay inuu xisbiga Waddani haatan noqday mid burbur looga baqayo.

Siciid Cilmi waxa uu farta ku fiiqay inay xisbiga Waddani ku biireen xubnihii majo-habaabiyey barnaamij siyaasiga ahaa ee xisbiga Kulmiye ku galay olalaha, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Markii uu xisbiga Kulmiye dawladnimada helay wixii aanu ummadda ugu ballan qaadnay iyo barnaamijkayagii iyo isbeddelkii khayrka qabay ee aanu doonaynay, raggii jiho-habaabiyey ee ilaa maanta aamusnaanta shacabka Somaliland baday, ayaa nagu soo biiray.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa hoosta ka xarriiqay in xubnaha dhawaan soo galay xisbiga Waddani yihiin qaar ku hammiyey inay burburiyaan xisbiga Kulmiye, si ay xisbi cusub u abuurtaan, waxana uu yidhi:

“Raggii aan uga tegay xisbiga Kulmiye ee  dhibanaha iga dhigay, ayaa nagu soo biiray, waxana aan qabaa in cidhib la’aani ay Waddani kusoo socoto, ragganina waxa ay doonayeen in ay Kulmiye ka takhalusaan oo xisbiyo cusub samaystaan.”

Mar uu sifooyinka ragga uu hoggaaminayo Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi ee xisbiga Waddani ku biiray  bulshada u sifaynayo, waxa uu yidhi,“imika xisbiga baqdinta leh ee abrisku soo galay waa Waddani, Kulmiye baqdin maleh oo isagu  wuu soo dhamaysay.”

Xildhibaan Siciid waxa uu si cad u sheegay in uu ku biirayo garabka uu hoggaamiyo Axmed Muumin Seed oo caddaalad-darro ka tirsanaya hoggaanka xisbiga Waddani waxaanu yidhi isagoo arrintaas ka hadlaya:

“Waan taageersan ahay garabkaas, waayo dadkaasi waa dadkii aanu wada shaqaynaynay, weliba Hinda iyo waa garabkaygii kulmiye ee raggan aan kuu sheegayaa ay dibadda u tuureen weeye, cabashada ay qabaanna waan la qabaa aniga labftaydu waan ku biirayaa garabkaas, xisbigii Waddani-na Xirsi baa nagaga qiimo batay.”

Halkan hoose ka daawo muuqaalka wareysigan:

bandhige@gmail.com