Xisbiga Zanu PF ayaa hoggaamiyenimadii ka xayuubiyey Madaxweyne Mugabe

Xisbul-Xaakimka Zimbabwe ayaa hadda hoggaamiyenimadii xisbiga ka xayuubiyey madaxweynihii dalkaas soo xukumayey 37 sanno Robert Mugabe.

Guddoomiyaha Ururka Halgameyaasha xisbiga Zanu PF ayaa tibaaxay in halkiisii lagu beddelay madaxweyne-xigeenkii xilka laga qaaday Md. Mwangaga.

Madax sare oo xisbiga ah ayaa sidoo kale Reuters u sheegay in xisbigu madaxweynenimadana ka xayuubinayo Robert Mugabe kadib markii uu ka gaws-adaygay in uu iskii uga dego.

Bandhige@gmail.com