Hargaysa (Dawan) Xisbul xaakimka Kulmiye ayaa munaasibad soo dhawayn ah u sameeyay dallada dhalinyarada Han-mideeye oo taageero buuxda la garab istaagay xisbiga Kulmiye iyo sidii uu ugu guulaysan lahaa mar kale hanashada hoggaanka dalka.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa hadhimo-sharafeed ku maamuusay dallada dhaliinyarada Han-mideeye oo kamid ah dalladaha taageera xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha ayaa dhallinyarada uga mahadceliyey goโaankooda ay ku taageerayaan xisbiga Kulmiye, waxana ay dhallinyaradu dhankooda uga mahadnaqeen sida uu u maamuusay ee uu u qaabilay.
Dallada HAN-MIDEEYE, oo si buuxda u taageerta xisbiga Kulmiye, ayaa ka kooban dhallinyaro kasoo jeedda gobollada Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer iyo Daadmadheedh.
Dhalinyarada dallada Han-mideeye ayaa hogaanka xisbiga Kulmiye la wadaagay inay diyaar u yihiin taageerada iyo garab istaaga xisbiga Kulmiye, waxaanay ballan qaadeen inay ka shaqaynayaan sidii uu xisbigu mar kale u hanan lahaa madaxtinimada dalka.
Dhankooda hogaanka xisbiga ayaa si diiran u soo dhaweeyay dhalinyaradan ku bahoobay dallada Han-mideeye waxaanay uga mahadceliyeen sida wanaagsan ee ay taageerada ula garab joogaan, waxaanau u ballan qaadeen inay la shaqayn doonaa ilaa guusha laga gaadhayo.
Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com