Xisbiga kulmiye oo taageeray go’aanka Maxkamadda Sare ka gaadhay muranki qabashada shirweyne-qaran

Xisbiga Kulmiye ayaa soo saaray shir-saxaafadeed ay ku taageerayaan go’aankii Maxkamadda Sare ka gaadhay murankii shirka qaran ee xisbiyada mucaaridka iyo Madasha Wada-tashigu oo isku lamaane ku baaqeen.

Shir-saxaafadeedkan oo uu soo saaray Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu u dhignaa sida tan.

Ujeeddo: Aragtida Go’aanka Maxkamadda Sare

Xisbiga Kulmiye waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo taariikhdu tahay 23/07/2015, waxaanu diyaar u nahay in aanu ugu dhaqano sidiisa.

Waxa kaloo aannu si gaar ah u soo dhawaynaynaa qodobka saddexaad ee go’aanka Maxkamadda Sare ee amraya in dhinacyada doorashadu khusaysaa soo afjaraan muranka taagan.

Sidaa darteed xisbi ahaan waxaanu jecelnahay in arrintaasi laga midho-dhaliyo, iyadoo horeba Kulmiye uu ugu jiray sidii loo dhammayn lahaa khilaafkan, waxa kale oo aanu ugu baaqaynaa xisbiyada mucaaradka ah inay nalaga hawlgalaan dhammaystirka iyo hirgelinta heshiiskii hore loo galay.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye

bandhige@gmail.com