Xisbiga KULMIYE wuxu hadhimo-sharafeed u sameeyey qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Iyo Xukuumadda ee Qaaradda Yurub

 

Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa hadhimo-sharafeed ku maamuusay qaar kamid ah masuuliyiinta xisbiga iyo xukuumaddaba u qaabilsan dalalka Yurub, gaar ahaan waddamada loo yaqaanno Scandinavian-ka, kuwaas oo safarro shaqo ku joogo dalkooda Hooyo.

Hadhimo-sharafeeddan oo lagu qabtay Hutel Royal Palace ee magaalada Hargeysa maanta, ayaa waxa ka qaybgalay wasiirro, wasiir-ku-xigeenno, wasiiru-dawleyaal, agaasimayaal, Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Safiirro, xubno ka tirsan masuuliyiinta xisbiga KULMIYE u qaabilsan dalalka Yurub iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas laga jeediyey hadallo si weyn loogu bogaadiyey waxqabadka masuuliyiiintan iyo dedaalka ay ka muujiyeen dalalka qurbaha ee ay ku sugan yihiin, iyaga oo dhinaca kalena masuuliyiintani ka mahad celiyey casuumadda loo sameeyey ee soo dhaweyntu ku lammaan tahay.
Ugu horrayn guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee dalka SWEDEN Fu’aad Kaamil Ciise oo halkaas ka hadlay, ayaa si mug leh uga mahadnaqay casuumadda xisbiga iyo xubnaha wasiirradda ahi u fidiyeen, waxana uu sharraxay in ujeeddada ay waqtigan dalka u yimaaddeen salka ku hayso sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen ololaha qaadashada kaadhadhka codbixinta oo dhawaan ka bilaabmi doona gobollada Marood-jeex iyo Togdheer oo uu sheegay inay wacyigelinteeda si weyn uga hawlgeli doonaan.

Axmed Saleebaan oo ah guddoomiyaha jaaliyadda Somaliland ee dalka Norway iyo wakiilka Somalilnand ee dalka Sweden oo iyaguna halkaas hadallo mahadnaq ah ka jeediyey, ayaa si cad u sheegay inay si xilkasnimo leh uga shaqayn doonaan sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa qaadashada kaadhadhka cod-bixinta oo ay xuseen inay muhiimad weyn u leedahay doorashooyinka dalka kusoo foolka leh.

Qaar kamid ah ah haweenka firfircoon ee xisbiga KULMIYE u qaabilsan dalalka Yurub oo ay kamid yihiin Marwo Saynab Ismaaciil Gabas, Hinda Maxamed iyo Foosiya Gabax, ayaa iyaguna hoggaanka KULMIYE iyo xubnaha wasiirradaba uga mahadnaqay sida ay u sharfeen ee casuumadda ugu sameeyeen, waxana ay shaaciyeen inay dardargelin doonaan hawlaha xisbiga ee ay waqtigan dalka u yimaaddeen.
Wasiirrada wasaaradaha warshedaha Shucayb Maxamed Muuse, Caddaaladda Axmed Faarax Cadarre, wasiir ku-xigeenka Beeraha Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, safiirka Somaliland ee dalka Ethiopia Cali Salaan Jirde, La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Dhaqaalaha Axmed Xasan Carwo iyo xubno oo kamid ah golaha wasiirrada oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu ammaanay masuuliyiinta xisbiga ee dalalka Waqooyiga Yurub iyo weliba xubnaha hoggaanka jaaliyadaha Somaliland ee dalalkaas sida hagar la’aanta ah ee ay arrimaha xisbiga iyo kuwa qarankaba uga shaqeeyaan, waxana ay kula dardaarmeen inay dedaalkooda sii libin-laabaan.

Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo kulankan qadada ah soo afmeeray, ayaa xubnaha xisbiga KULMIYE u qaabilsan dalalka Yurub ee casuumadda lagu maamuusay ku tilmaamay kuwo hawlkar ah oo si muuqata u muujiyey waxqabad ballaadhan, isla markaana laga filayo inay qayb libaax ka qaataan dedaalka xisbigu ugu jiro sidii uu mar labaad ugu guulaysan lahaa talada dalka, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay bulshada ku dhaqan gobollada aan weli qaadanin kaadhadhka cod-bixinta ku wacyigeliyaan sidii ay kaadhadhkaas u qaadan lahaayeen.

bandhige@gmail.com