Xisbiga KULMIYE wuxu ka hadlay duudsiga WADDANI ee Ardayda Jaamacadda Gabiley, Komishanka Doorashooyinkana waxay u direen fariin, sidoo kalena WADDANI iska deefiyeeyey arrintaasi

 

Xisbiga Midnimada iyo horumarka ee KULMIYE, ayaa si adag uga soo horjeestay tallaabo ay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ku hor istaageen in Ardayda wax ka barata Jaamacadda TIMACADDE ee gobolka Gabiley oo kamid ah jaamacadaha qaranku leeyahay kamid noqoto shaqaalaha komishanku u qaadan doonaan doorashooyinka madaxtinimo ee dalka ka qorshaysan.

Siyaasi Muxumed Aw Cabdi oo kamid ah saraakiisha KULMIYE u qaabilsan komishanka doorashooyinka qaranka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday inay Jaamacadda TIMACADDE ee magaalada Gabiley kamid tahay toddobada Jaamacadood ee qaranku leeyahay, isla markaana Ardayda dhigataa xaq u leeyihiin inay shaqaalaha hawsha doorashada maamuli doona kamid noqdaan, isaga oo hoos u dhigay hannaanka uu xisbiga WADDANI arrintaas ku hor istaagay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Markasta oo uu komishanku qabanayo doorasho waxa uu qaataa shaqaale laga qaato jaamacadaha dawliga ah ee aan gaarka loo lahayn jaamacadaha dawladduna waa kuwo la yaqaanno oo kala ah, Hargeysa, Burco, Saaxil, Gabiley, Sanaag, Cammuud iyo Nugaal oo Laascaanood ku taalla, shaqaalaha laga qaadanayaana waa wada reer Somaliland, shalayna xisbiga WADDANI waxa ay deedafeeyeen jaamacadda Gabiley ee TIMACADDE oo yidhaahdeen annagu jaamacad qaranku leeyahay uma aragnee Jaamacad Beelaysan baanu u aragnaa, arrinkaasina mid WADDANI kasoo baxay, laakiin waxanu leenahay qaranku waa isku wada mid, jaamacadda Gabiley-naa waa mid la ictiraafsan yahay.”

Siyaasi Muxumed Aw Cabdi waxa uu farriin u diray shacabka ku dhaqan gobolka Gabiley oo uu soo jeediyey inay maanka ku hayaan xaqiraadda WADDANI kula kacay jaamacadda TIMACADDE,“Reer Gabiley waxan u sheegayaa ninka maanta leh jaamacaddii Timacadde jaamacad uma ictiraafsani, shaqaalaha komishankana kamid noqon maayaan, annagu wuxuu Gabiley usoo wado garan mayno, waxa ay soo wadaan iska daayoo shaqaalaheedii bay diidan yihiin, in maanta WADDANI yidhaahdo jaamacaddaasi jaamacadaha dalka la xuquuq ma aha waa ayaandarro,” ayuu yidhi Muxumed Aw Cabdi.

Dhinaca kale waxa uu Muxumed Aw Cabdi si faahfaahsan uga hadlay sharci-jebin uu xisbiga WADDANI ku kacay maalmihii lasoo dhaafay iyo ku tumasho sharci oo uu ku xagal-daaciyey xeerarka anshaxa doorashooyinka oo saddexda guddoomiye xisbi dhawaan saxeexeen, waxana uu yidhi,“Markay doorasho timaaddo tallaabo ku saabsan doorashooyinka qaranku xeer baa lagu dabbaqaa, xisbiyadii mucaaridka ahaa, siiba WADDANI waxa ay caadaysteen in markasta oo xeer la lasoo saaro oo guddoomiyeyaasha laga saxeexo in iyada oo aanu Toddobaad kasoo wareegin xeerkii lagu tunto, imikana iyada oo doorashadii foodda inagu soo hayso xeerkii hab-dhaqanka xisbiyada ee doorashadaas ayaa maalin dhaweyd la kala saxeexday, maalintii taas ku xigtayna xisbiga WADDANI wuxuu ololihii iyo sharci-jebintiiba ka bilaabay gobolka Hawd.”

Waxa uu sida oo kale sheegay inay xisbi ahaan warqad ay sharci-jebintaas WADDANI ku kacay kaga cabanayaan u direen guddida doorashooyinka qaranka, isla markaana ay u fadhiyaan jawaabta komishanku arrintaas sharciga baalmarsan ee xisbiga WADDANI ku tallaabsaday ka qaataan, “annaga oo sharciga ixtiraamayna, qarankana u tudhayna waxanu komishanka u qornay warqad, xisbiga WADDANI-na waxa uu ku kacay in gaadiid ay leeyihiin lagu dhejiyo calaamadaha KULMIYE u gaarka ah gudaha magaalada Balligubadle taasina waa dambi KULMIYE laga galay, amnigii xafiisyada KULMIYE ee magaalada Baligubadle ayaa halis la geliyey, xisbi ahaanna waxanu u aragnaa inuu jabay xeerkii hab-dhaqanka doorashooyinku, komishankana waxanu uga fadhinaa inay go’aan cad naga soo siiyaan xeer-jabintaas uu WADDANI ku kacay,” ayuu yidhi Muxumed Aw Cabdi.

Halkan hoose ka daawo eedayna xisbiga Kulmiye:

Inkasta oo xisbiga Kulmiye u soo jeediyey eedaynaha WADDANI, Xoghayaha Warfaafinta xisbigu wuxu iska deedifeeyey arrimaha Xisbiga Kulmiye ku eedaynayo, oo uu sheegay in ay cod ku raadinayaan xisbiga Kulmiye.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

bandhige@gmail.com