Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani waxa uu sheegay inay ka bexeen heshiiskii saddexda xisbi qaran

Xirsi Xaaji Cali hogaamihayaha Xisbiga mucaaridka ah ee wadani oo saaka warbaahinta kula hadlayay xarunta uu xisbigu ku leeyahay magaalada hargaysa ayaa waxa uu sheegay inay ka bexeen heshiiskii sadexda xisbi qaran ee gogol xaadha u ahaa doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka oo dib u dhacoodu soo noqnoqday, iskaga oo ku sababeeyay inay xukuumadu qaybo kamida heshiiska ay ka baxday.

halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan oo dhamaystiran.