Xisbiga shaqalaaha Ingiriiska oo hoggaamiye cusub doortay

Jeremy Corbyn oo dhowr iyo lixdan jir ah oo muddo dheer ka tirsanaaa xisbiga shaqaalaha Ingiriiska ayaa loo doortay hoggaamiye xisbigaas.

Hoggaaamiyaha cusub oo la hadlayey taageerayaasha xisbiga goob fagaare ah oo ku taalla Londhon ayaa ballan-qaaday in uu xisbiga midayn doono muwaadiniinta Ingiriiska, sidoo kalena dawladda Ingiriiska ugu baaqay in ay taageero badan u fidiso qaxoontiga ku soo qulqulaya Ingiriiksa.

Inkastoo ay jiraan dareeno ka dhex jira xisbiga shaqaalaha dhexdiisa, qaar ka mid ah xubnaha muhiimka ahina ay sheegeen in aanay guddoomiyahan la shaqayn doonin,  ayaa waxa la filayaa in uu guushan hoggaamiyaha cusubi wax weyn ka badali doonto xisbigiisa.

bandhige@gmail.com