Xisbiga UCID ayaa masuuliyiin cusub u magacaabay gobolka Sool, sidaasna waxa lagu shaaciyey war-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Xidhiidhka Gobolladda iyo Degmooyinka Cabdiqani Ibraahim Salaf.
War-saxaafadeedkaasi waxa uu u dhigan yahay sidan:
Xoghayaha Xidhiidhka Goballada iyo Degmooyinka Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID Cabdiqani Ibraahim Salaf markii uu arkay baahida loo qabo buuxinta xilalkan cusub ee gobaolka Sool kuna qancay aqoonta iyo kartida ay leeyihiin waxa uu magacaabay xubnahan hoos ku xusan:-
- Maxamed Axmed Faarax Gudoomiye
2. Mursal Maxamuud Ismacil Guddomiye–xigeen
3. Farxiya Maxamuud Aadan Xohaynta Gobolka
4. Xuseen Salaad Ismacil Garabka dhalinyarada
5. Hinda Daahir Cabdi Gudoomiyaha Garabka haweenka
6. Maxamed Faarax Cabdiqaadir Abaabulka iyo wacyigalinta Gobolaka
7. Xuuf Dubad Warsame Xidhiidhka Dadweynaha
Waxaa la farayaa masuuliyiinta cusub ee gobolka Sool in ay si degdeg ah u bilaabaan hawlaha uu xisbigu u igmaday. Illaahayna haydiin fudaydiyo.
ALLA MAHAD LEH
Xoghayaha Xidhiidhka Goballada iyo Degmooyinka Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID
Cabdiqani Ibraahim Salaf