Xisbiga UCID oo Alleybaday u magacaabay 10 masuul

War-saxaafadeed uu goor dhawayd soo saaray xoghayaha xisbiga UCID ee Gobollada iyo Degmooyinka Cabdiqani Ibraahim Salaf “Kabtanka”, ayaa lagu sheegay in xisbiga UCID uu magacaabay masuuliyiinta degmada Alleybaday u meteli doonta.

Cabdixakiin Cumar-Yey waxa loo magacaabay Guddoomiyaha UCID ee degmada, Maxamuud Axmed guddoomiye-xigeen, Maxamuud Cismaan-na La-taliyaha Guddoomiyaha, todoba kalena waxa loo magacaabay in ay xubno noqdaan.

Warsaxaafadeedka waxa xubnahaas la magacaabay lagaga codsaday in ay dhakhso u bilaabaan hawlahooda.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeed oo dhammeystiran.

UCID Alleybaday