Xisbiga Waddani ayaa soo saaray digniin la xidhiidha in madaxweyne dib ugu soo celiyo xeerarka Doorashooyinka Golaha Guurtida Somaliland

Xisbiga Waddani ayaa soo saaray digniin la xidhiidha in madaxweyne dib ugu soo celiyo xeerarka Doorashooyinka Golaha Guurtida Somaliland.Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha guud ee Waddani ayaa soo saaray qoraalkan oo u dhigan sidan.

“ Waxa aanu ka digaynaa in ay rumoobaan wararka taban ee sheegaya, in guddomiyaha golaha Guurtidu uu ka shaqaynayo inuu golihiisa dib ugu soo celiyo xeerarkii doorashooyinka isa saaran ee dhowaan golaha wakiilladu uu ansixiyey. Iyada oo ay ujeeddadu tahay in uu golaha keeno, kaddibna fasax geliyo, si uu u bilaabo wareeg kale oo doorasho ka meeraysi ah. Taas oo ah qorshe cusub oo lagu taakaynayo, geeddisocodka dhammaystirka doorashada ee uu marka horeba guddoomiyuhu gaabiska geliyey.Waxa wax laga xumaado ah, iyada oo laga dheregsanyahay xaaladda murugsan ee uu dalku ku jiro dhinac kasta, in dadkii xalka laga sugayey ay weli abaabulayaan in ay dib u huriyaan khilaafkii gudaha.

Waxa aannu hoosta ka xariiqaynaa, in madaxweyne Muuse uu qaadi doono masuuliyadda cawaaqib xumada, aan cidna danta u ahayn, ee la hubo in ay ka dhalan doonto qorshayaasha lagu xagal daacinayo heshiiskii lagu xalliyey khilaafkii siyaasiga ahaa.”