Xisbiga Waddani oo cadeeyay mawqifkiisa ku aadan xubnaha koomishanka doorashooyinka ee dhawaan madaxweynuhu u gudbiyay golaha wakiilada

Gudoomiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo saaka warbaahinta la hadlayay ayaa waxa uu cadeeyay mawqifkooda ku aadan xubnaha koomishanka doorashooyinka oo dhawaan madaxwayne muuse u gudbiyay gollaha Wakiillada Somaliland.

Gudoomiye Cirro oo ka hadlayay mawqifka xisbiga Waddani ee ku aadan xubnaha koomishanka ayaa waxa uu yidhi” xisbiyada Waddani iyo Ucid wuxuu mid kasta gaarkiisa qoraal ugu diray daneeyeyaasha doorashooyinka iyagoo cadaynaya inaanay aqbalayn xubin xeerku tilmaamayo inaan lagu darin koomishanka, xisbiga Waddanina inaanu marlabaad aqbalayn in xubin komishankii hore ah mar labaad losoo magacaabo koomishanka cusub.”

Godoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in mawqifka xisbiga Waddani ay ku cadeeyeen waraaq ay u qoreen Madaxwayne muuse 14kii bisha ogaysiiskana ay siiyeen dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka oo ay kamid yihiin beesha caalamka, mawqifkaas oo ahaa ” in xisbigu si cad u diiday falalka kala ah heshiis burinta iyo xeer-jebinta ee uu ku kacay muuse isagoo ah kii loo dhaariyay ilaalintooda.”

Bandhige@gmail.com