Xisbiga Waddani oo cambaareeyey amar ay dawladdu heegan ku galisay ciidanka boolis iyo Hudheeladda laga mamnuucay

Guddoomiye-xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ayaa maanta shir-saxaafadeed ku qabtay magaaladda Hargeysa amarka ay dawladdu heeganka ku galisay ciidanka booliska kana xayirtay Hudheeladda qabashadda shirka ay ku baaqeen xisbiyadda mucaaridka iyo Madasha Wada-tashigu.

Axmed Muumin Seed waxa uu sheegay in aanay xisbiyada mucaaradka iyo Madasha Wada-tashigu aanay khal-khal galinaynin nabad. Waxaanu xukuumadda ugu baaqeen in ay iyada lafteedu ilaaliso nabada islamarkaana aanay khalkhal galin xasiloonada dalka.

Waxa kale uu sheegay in xisbiyada mucaaridku aanay ahayn kuwo aan looga baqi karin nabad-galyadda waddanka.

Axmed Muumin Seed oo ka hadlaya arrimahaansina waxa uu yidhi:

Sida aynu la wada socona waxay shalay soo saareen labada xisbi mucaarad iyo Madasha Wada-tashigu oo la isku yidhaahdo Isbahaysiga Mucaaradka war-mutiyeed kooban oo lagaga tashanayo aayaha dalka.”

Isagoo hadalkiisii sii watana waxa uu yidhi:

“Saacado kooban dabadeed war-muriteedka Isbahaysiga Mucaaridka markii uu soo baxay waxaanu TVyada ka daawanay jananka ciidanka booliska iyo wasiir-xigeenka Arrimaha Gudduhu iyaga oo ay ka muuqato hanjabaad iyo caga juglayni iyo dhoolatus ay ciidanka bilayska ku samaynayaan ay ku baaqeen in aan shir la qaban karin oo ay samayeen xaalad abuur oo ay iyagu nabad gelyada dalka khal-khalinayaan oo ay xarumaha xisbiyada iyo wadooyinka oo dhanba ay ciidamo tumeen.”

Gebo gabadii shir-saxaafadeedkana waxa uu yidhi:

“Waxaan halka fariin uga dirayaa talliyaha ciidanka bilayska taliye Fadal waxaan leeyahay taliye adiga ayay maanta masuuliyaddu ku saran tahay oo haysta ciidamada bilayska dalka iyo hubkoodiiba, anaga mucaarid ahaan la nooga baqi maayo in aannu nabad-gelyo daro dalka ka abuurno, laakiin adigu waa inaad nabad-gelyada ilaalisaa waayo waxaad masuul ka tahay nabad-gelyada shacabka reer Somaliland oo wixii wax yeelaya waa inaad adigu gacantaada ku qabataa, laakiin masuul kama tihid inaad xukuumadda afkeedda ku hadasho.”

Sidoo kale gudoomiye ku xeegenku waxa uu ka hadlay hadalkii ka soo yeedhay wasiir-xigeenka Arrimaha Guddaha ee ahaa inuu mulkiilayaasha huteelada ku war gelinayo inaan lagu qaban shirkaasi, waxaanu yidhi:

“Runtii taasi waxay cadaynaysaa in xukuumaddu lafteedu ay waddo nabad-gelyo daro abuurayso marka xisbiyadii mucaaradka la yidhaahdo kuma qabsan kartid huteelada, waxaanu leenahay waxaanu ku qabsan karnaa meel walba oo xaqbaanu u leenahay maadaama oo aanaan wadin wax fawdo ah iyo wax nabad-gelyadda dalka khalkhal galinaaya.”

Waxaanu gebo gebadii waxa uu sheegay in Isbahaysiga Mucaaridku aanay marnaba ku talaabsan doonin wax nabad-gelyo iyo jiritaan dalka waxyeelaya.

bandhige@gmail.com