Xisbiga Waddani oo daah-furay warside cusub oo loogu magac-daray Wadaag

Xaflad  si weyn loo agaasimay oo kulmisay masuuliyiinta kala duwan ee xisbiga Waddani iyo dadweyne kale oo tiro badan ayaa lagu daah-furay warside cusub oo loogu magac daray Wadaag.

Xafladda daah-furka waxa ugu horeyn ka hadlay xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale oo ka sheekeeyey ahmiyadda wargeyskan cusub ee Wadaag ee xisbiga Waddani, sheegayna inbay tahay tallaabo wax-ku-ool ah oo uu xisbiga Waddani hore u qaaday, islamarkaana uu dheer yahay xisbiyada kale ee dalka ka dhisan, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

‘’Maanta waxaan halkan u fadhinaa inay daahfurno warsidaha cusub ee Wadaag ee Xisbiga Waddani sidaas oo kale ayaa isla wakhtigan aynu caawa halkan fadhino loogu daah-furayaa laamaha kale ee xisbiga Waddani ku leeyahay adduunka dacaladiisa. Anigu ma faanayo laakiin waxaan idiin sheegayaa warsidahaa maanta uu soo saaray Waddani ee Wadaag in haddii uu Kulmiye 100 sanno oo dambe jiro aanu soo saari karin, laakiin jawaabtu maaha waan soo saari karaa ee waa in suuqa lagu arkaa isaga oo kale.”

Madax iyo masuuliyiin badan ayaa kulankan oo ahaa mid la isku arkay ka jeediyey haddalo siyaasi u badnaa. Ugu dambayntii waxa hadal kooban jeediyey Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdirahmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” waxaanu yidhi:

 ‘’Salaan ka dib waxaan halkan uga hambalyeynayaa Boobe iyo cid kasta oo qayb ka qaadatay soo bixidda warsidahan Wadaag oo ah wargeyskii ugu horeeyey ee xisbi Somaliland ahi yeesho ama uu soo saaro oo aan maanta nasiib u helnay inuu noqdo xisbiga Waddani. Runtii arrintani waxay inoo tahay dhiiri-gelin in fikirka iyo rayiga xisbigu uu gaadho dadweynaha iyo taageerayaasha xisbiga, taasna waxaa suurta geliyey isku xidhka xisbiga iyo wada-shaqaynta gaar ahaan waaxda warfaafinta oo si madax banaan u shaqaysa, waanan ku bogaadinayaa waaxdaa iyo wax-qabadkeeda.”

Dhanka kale, Guddoomiye Cirro waxa uu farriin u diray shacbiga oo  wuxuna yidhi:

’’Shacbigana waxaan leeyahay waxaad dhawaan naga maqli doontaan dhawaaq deg-deg ah, xukuumadduna dhegaha ha u sii furto’’.

Ugu dambayntiina Guddoomiyuhu waxa uu halkaas shahaado-sharaf ku guddoonsiiyey Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani Boobe Yusuf Ducaale.

Warsidahan oo ah kii u horreeyey ee noociisa ah ee xisbiyada qaranku soo saaraan wuxu ka kooban yahay in ka badan 50 bog, wuxuna isugu jiraa maqaalo siyaasi ah iyo kuwo bulsho.

Sida uu xusay Xoghaya Warfaafinta Waddani waxa lagu iibin doonaa suuqyada Hargeysa. Isla goobtii xalay lagu shaaciyey waxa lagu iibsaday in ka baday 170 nuqul.

bandhige@gmail.com