Xisbiga Waddani oo gardarro ku tilmaamay xubno Komishanka Doorashooyinka ah oo la sheegay in Puntland afduubtay

Ku-xigeenka Xoghayaha Warfaafinta Waddani ayaa war-saxaafadeed uu xalay gelinkii dambe warbaahinta u qaybiyey si adag uga hadlay saraakiil ka tirsan Somaliland oo la sheegay in maamul-goboleedka Puntland ka qafaashtay magaalada Yubbe ee oo qiyaastii 30 Km dhinaca bari ka xigta Ceerigaabo, xarunta gobolka Sanaag.

Ku-xigeenka Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga Waddani Cabdirashiid Jeeni wuxu daandaansi iyo gardarro ku tilmaamay tallaabada maamulka Puntland ku afduubeen masuuliyiintan oo kala ah Guddomiyihii Komishanka Doorashooyinka ee gobolka Sanaag, madax ka tirsan haay’adda Taakulo oo ka shaqaynaysa wacyigelinta diiwaangelinta doorashada ee gobollada bariga iyo xildhibaan Qamar Taleex oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Degmada Ceerigaabo.

Xoghaye-xigeenka Warfaafintu waxa uu xukumadda ugu baaqay inay jawaabta ku habboon si degdeg ah uga bixiso tallaabadan ay Puntland ugu soo xad-gudubtay xuduudda dalka.

”Waxa la xaqiijiyey in masuuliyiin reer Somaliland ah oo isugu jira xildhibaan Golaha Deegaanka ee Ceerigaabo ah iyo xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka ee Gobolka Sanaag ay ciidamada Puntland ka af-duubteen deegaanka Yubbe oo ku yaal bariga Gobolka Sanaag. Masuuliyiintani waxay halkaa u joogeen hawl qaran oo ahayd wacyigelinta diiwaangelinta codboxiyeyaasha.” ayuu yidhi Cabdirashiid Jeeni.

Cabdirashiid waxa uu intaas ku daray in aanay sahlanayn in la afduubto muwaadin shaqadiisa wata isla markaana ay taasi tahay daandaasi dagaal iyo gardarro ay Puntland  ku dooneyso isku-dhac hor leh. Cabdirashiid waxa uu intaas ku daray:

“Waxa xusid iyo la-yaabba mudan in mas’uuliyiintaas qafaalasho loogu haysto magaalada Badhan oo isla Somaliland ah. Xukuumaddeennu markii hore dadkaa ammaankooda ma ay sugin, haddana weli arrintaas weli kama ay hadlin, waa in aynu aaran ahaan ka bixinnaa jawaabta ku haboon. Masuuliyiintaasna waa in si dhakhso ah loogu soo celiyaa guryohooda.”

Bandhige@gmail.com