Xisbiga Waddani oo ka hadlay war-murtiyeedka kasoo baxay wada hadallada Somaliland iyo Somaliya

Xisbiga Waddani ayaa waxa uu ka hadlay war-murtiyeedka kasoo baxay wada hadallada Somaliland iyo Somaliya

Xoghaya guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo warbaahinta kula hadlay xafiiska Xisbigu ku leeyahay magaalada Hargaysa ayaa ka hadlay war-murtiyeedka kasoo baxay wada hadallada Somaliland iyo Somaliya ee kasoo baxay dalka Jabuuti.

Xoghaye Khadar isaga oo ka hadlaya qodobka is dhexgalka waxa uu yidhi “Marka la leeyahay isku socodka, is dhexgalka iyo arrimaha siyaasiga aan ahayn baa la xoojinaya waxa la caadiyaynaya xaaladda, waana istabta 1-aad ee marka waddamo la midaynayo la maro, waa dariiq caalami ah oo yaalla oo la yaqaanno mana aha wax hadda la samaynayo. Marka waddamo midoobayaan ama federal samaysanayaan halka 1-aad ee laga bilaabo is dhexgal baa la yidhaahda,”

Hoos ka daawo muuqaalka warkan:

 

Bandhige@gmail.com