Waddani oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku wargeliyey in ay samaynayaan mudaraharaad salmi ah

Sida ka muuqata warqad uu ku saxeexan yahay Guddoomiye-xigeenka koowaad ee Waddani Axmed Muumin Seed oo lagu daabacay mareegta rasmiga ah ee Waddani, Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani wuxu Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku wargeliyey in ay dhigi doonaan mudarahaad salmi ah kana abaabuli doonaan gobollada dalka oo dhan si ay u muujiyaan diidmadooda muddo-kordhinta Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo Wakiillada.

Guddoomiye Seed wuxu warqadda uu Wasaaradda Arrimaha Gudaha u diray ku xusay qodobada dastuuriga ah ee banaynaya mudaharaadka ay dalbanayaan.

“Annaga oo  ka duulayna xaqa distooriga ah ee u ogalaanaya muwaadiniintu inay sameeyaan isu-soo-bax salmiya, kaas  oo aanu ku cabirayno mawqifkayaga iyo diidmada Xisbiga WADDANI  kaga soo horjeedo muddo-kordhinta ka baxsan wixii lagu heshiiyey ee ka soo baxay Guddida Doorashooyinka Qaranka; Xisbiga WADDANI isagoo ka duulaya Dustuurka Qaranka Qodobkiisa 32aad farqadiihiisa 2aad Iyo 3aad ee u ogalaanaya  inay samayn karaan isu-soo bax salmiya, waxaanu Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku war-gelinaynaa  in aanu samaynayno banaanbax ka dhici doona dhammaan gobollada Jamhuuriyada Somaliland. Waxaanu rajaynaynaa in aad ka gudan doontaan waajibaadkiina oo ah ilaalinta isu-soo-baxayaasha  iyo nabadgelyadooda” ayaa warqadda lagu soo gunaanaday.”

Hase ahaatee Xisbigu ma uu xusin maalinta gaarka ah ee ay rabaan in ay dhigaan isu-soo-baxooda. Sidoo kale, Guddoomiye Seed wuxu iska dhawray adeegsiga ereyga “codsi” isagoo bedelkiisa isticmaalay “wargelin”.

Dhanka kale, lama saadaalin karo in Wasaaradda Arrimaha Guduhu aqbali doonto codsiga Waddani iyadoo aynu ognahay in loo diiday kii ay damacsanaayeen in ay dhigaan 11-kii May, maalintii Guurtidu kordhinaysay muddo-xileedka.

Hoos ka eeg warqadda oo isku dhan:

Warqadda mudarahraadka waddani

 

bandhige@gmail.com