Xisbiga Waddani oo xukuumadda ku dhalliilay guddida loo saaray sixir-bararka

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale ayaa xukuumadda ku dhaliilay guddidii uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo u magacaabay dejinta sixir-bararka.

Boobe Yuusuf Ducaale wuxu sheegay in xisbiga Waddani uu ka yaabay sababta uu madaxweynuhu ugu igmadahay sixir-bararka intii horseedka ka ahayd oo madaxweyne-xigeenku ugu horreeyo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Boobe Yuusuf Ducaale wuxu sheegay in ilaa la soo duuduubayo kiish afkiisu Hargeysa yaal dabadiisuna ay London taal, wiixii kiishkaas ku jirana qasnadda dawladda dib loogu celinayo aanay suurto-gal ahayn in sixir-bararku meesha ka baxo.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka xisbiga Waddani oo dhammaystiran:

Warsaxaafadeed Waddani