Xisbiga Waddani waxa uu mar labaad dib u doorteen Murashaxa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa doorashada Madaxtooyada 2022 Cirro iyo Maxamed Aw Cali

Gudoomiyaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa mar kale ku guulaystay in loo doorto murashaxa madaxweynaha ee u tartamaya xisbiga Waddani doorashada madaxtooyada ee ku astaysan 2022.

Sidoo kale waxa mar labaad loo doortay in uu noqdo Musharaxa Madaxweyne-ku-xigeenka Maxamed Aw Cali.

Labadan Musharaxa way mar labaad u tartamaan xisbiga Waddani doorashada dhacaysa sannadka 2022 bisha November. Hore waxay usoo tartameen sannadkii 2017, iyadoo ahaa murashaxiinta labaad ee ugu codka badnaa.

bandhige@gmail.com