Xisbiga WADDANI waxay ku eedeeyeen DP World in ay curyaamisay dekedda Berbera oo maamulkeeda lagu wareejiyey

 

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa si adag u cambaareeyey shirkadda DP World oo uu xisbigu sheegay in ay curyaamisay shaqadii ka socotay dekedda Berbera.

Muniir Axmed Cigaal, kaaliyaha warbaahinta ee murashaxa waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa xukuumdda Somaliland ku eedeeyey inay dadka markii hore hiyi kicisay isla markaana ay humaag been ah u sawirtay, waxaanay sidoo kale xukuumadda ku dhaliishay inaanay jirin wax sharci ah oo ay kula xisaabtami karto sherkadda DP World, Muniir Axmed Cigaal oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“DP World waxaa la yidhi fartaa subaga la darayaa oo waa la nimcoobayaa deked 400m ahbaa la dhisayaa anigu dadkii ugu horeeyey ka qaylyay baan ka mid ahaa mashruucas hadoodilan waxaanan u arkaayey in warqadan cagaaran ee la isku laaluush uun ay faa’iidadeed ahayd, shakhsiyaad gaar ahna jeebadahooda ku dhacday, dadkii keenayna taariikhda ayaa xusi doonta dekediina way xidhan tahay maanta, waddanka Itoobiya oo ay 80 milyan ku noolyihiin oo ay ahayd inaynu soo jiidano baabuurtoodii ayaa markii rar la saari waayay ay noqdeen oo aynu wada arkaynay oo xitaa xidhiidhkii aynu waddankaas la lahayn ayay dhaawac wayn ku tahay, maraakiibtii Ramadaantii yimi ayaa weli ku caddilan, dawladda lafteeda ayay xitaa kaga caddilan yihiin oo qaar wasiirro ahi ay geli kari la’yihiin, ganacstadiibaa ku xanniban, magaaladii Berbera ee ahayd isha qudha ee aynu ku dhaq-dhaqaaqno (ayaa taagan), waxaana dhibkaas iyo fawdadaas lagala xisaabtamayaa ciddii keentay ee laaluushka qaadatay ee aan maanta waxba ka qaban karayn, ee sharciyad alle sharciyad ay saxeexeen aanay jirin. Waxaanu anagu ka hadlaynaa ee xisbi ahaan aanu cambaaraynaynaa waa dhibtaas ka taagan dekedda Berbera ee DP World ay keentay umadda Somaliland-na dhaxalkeedii way aragtay, reer Somaliland-oow xaqul-qalinlkii halka uu idin liqsiiyey waad aragtaan, isbedelkuna jeebkiina ayuu ku jiraa waxaad kaga soo saari kartaan anagu heshiisyadaas oo dhan dib baanu ugu noqon doonaa waad arkayseen oo Maayirka Berbera ayaa qiray oo yidhi wax alla wax soo kordhay ma jiro ciddii keentaybaa dhaxalkeeda leh, eedda lama wada lehee xukuumad fulineed baa jirta oo iyada ayaa dirqiyeysay, iyadaa rejo been ah sawirtay, waddo la dhisaanaya ma jirto, deked DP World dhisayaana ma jirto, wataa dekadeenii isha ciidda kaga shubtay, ganacsatadeenii baa qaylinaysa, sicir-bararka waxaa inoogu wacan dekadeena taagan, xajkii oo aynu iminka ku jirno xoolaheenii ma dhoofayaan oo way xanniban yihiin, wax ka soo degana hadalkeeda daa.”

Geesta kale ganacstada Somaliland ee badeecadahoodii ku xanniban tahay dekedda Berbera ayaa warqad kama dambaysa ah oo cabasho ah u diray xukuumadda Somaliland, waxaanay sheegeen inay jirto maamul xumo, is dhex yaac iyo shaqadii oo istaagtay.

Nuxurka laba qodob oo ay ku soo koobeen warqadda ay soo saareen ganacsatada Somaliland ee dekedda wax kala soo dega ayaa u dhignaa sidan:

1: Inaanan ka qayb noqon guddiga ay magacaabeen wasiirradu maadaama aanu u aragno inaanay waxba soo kordhin doonin.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

bandhige@gmail.com