Xisbiga Waddani wuxu maanta markii labaad dirays iyo kubado ku wareejiyey ciyaartoyga gobolka Togdheer

Xisbiga Waddani ayaa bilihii u dambeeyey la soo baxay dardar uu ku kasbanayo da’yarta Somaliland iyadoo la arkayey madaxda waddani oo ka-qayb-galaysay furitaannadii koobabkii kubadda cagta ee Ramadaanta iyo qalabyo kala duwan oo ay guddoonsiinayeen da’yarta.

Khamiistii xisbiga Waddani wuxu mar labaad qalab ciyaareed guddoonsiiyey ciyaartoyga gobolka Togdheer.

Munaasibadda lagu wareejinaaeay dirayka iyo kubbadaha uu xisbiga Waddani ku deeqay ayaa waxa lagu qabtay xarunta xisbiga Waddani ee gobalka Togdheer, waxaana ka soo qayb galay xafladan Guddomiyaha xisbiga  Waddani ee gobalka Togdheer Xuseen Kaahin Xayd iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga iyo dadweyne kale.

Waxaana xafladaa ugu horeynba ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga Waddani ee Gobolka Togdheer Xuseen Kaahin Xayd isagoo faahfaahin ka bixiyey deeqdan waxaanu yidhi

“ Waxaanu Maanta halkan ku haynaa deeq uu xisbigu ugu deeqay ciyaartoyda Gobolka Togdheer, deeqdan oo ah tii labaad ee aanu ugu deeqno toddobaadkan gudihiisa ciyaartoyda gobolka Todheer taas oo ka kooban dirays iyo kubbado.”

Deeqdan uu xisbiga Waddani ugu deeqay ciyaartoyda Gobolka Togdheer ayaa waxa soo dirtay Gudomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Waddani Ee Dalka Maraykanka Idil Cali Fidhin.

Xisbiga Waddani Waxa uu u heelan yahay sidii uu u dhiiri galin lahaa dhalinyarta soo koraysa isla markaana uu uga badbaadin lahaa afooyinka tahriibta iyo shaqo la’aanta dhallinyaradda haysata” ayuu Yidhi Gudomiyahu.

Xoghayaha Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda Xisbiga Wadani Hinda Jaamac Gaani Oo iyana ka hadashay waxaanay yidhi:

“ Runtii Maanta waa noo farxad iyo rayn rayn sababta oo ah in Xisbiga Mucaradka Wadani Uu Magalada Burco Maalintii Labaad Ee ka Qaybinayo Dirays iyo Kubbado deeq ah, taas oo loogu tallo galay Dhiiri-Galinta Dhalinyarada Gobalka Togdheer.”

Xaqiiqda ka dambeysa inaanu ciyaartoyda u qaybino dirays iyo kubbado waa in aanu Dhalinyarada ka mashquulino dhibatoyinka tahriibta,isticmaalka Balwadaha iyo Wax Kasta Dhalinyarada Mustaqbalkooda dib u Dhigaya, Xisbiga Wadani Waxa uu Hiil iyo Hooba la Barbar taagan yahay Dhalinyarada Gobolka Togdheer,” sidaa ayay Tidhi Marwo Hinda Jaamac Gaani

Sidoo kale ayaa waxaa meeshaa ka hadlay qaar ka mid ah Tababarayaasha kooxa dirayska iyo kubbadaha la gudoonsiiyey oo aad iyagu ugu mahad naqay Xibiga wadani ee marwalba taageerada la barbar jooga dhalintarta Gobolka Togdheer ugu dambayntiina waxa ay halkaa ka balan qaadeen inay xisbiga waddani la barbar istaagi doonaan taageero aad u balaadhan xiliga doorashada