Xisbiga WADDANI wuxu xaflad ku soo dhoweeyey Madax-dhaqameed iyo taageerayaal ka soo jeeda Beelaha Gabooye

 

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo Xisbiga WADDANI ku soo dhaweynaayey Madax-dhaqameedkii ugu tirada badanaa ee ka soo jeeda beelaha Gabooye, Aqoonyahan, haldoor, haween, dhallinyar iyo weli ba taageerayaal baaxad weyn oo ka soo jeeda beelahaasi isla mar ahaantaana ka soo guuray Xisbiga KULMIYE, ayaa maanta ka qabsoontay hoolka shirarka Xisbigaas uu ku lee yahay ee magaalada Hargeysa.

Madax-dhaqameedkan tirada badan ee ka soo jeeday beelaha Gabooye oo hor-ka-caayeen Jiif Caaqil Maxamed Cali Faahiye, Jiif Caaqil Mukhtaar Cabdi Ibraahim, Jiif Caaqil Jaasiin Nadiif Maxamuud iyo weli ba cuqaal kale oo tira badan, ayaa xafladdii lagu maamuusaayey, waxa ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi Cirro, xubno ka tirsan hoggaanka, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale siyaasi Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, Suldaan Daahir, Boqor Axmed Iimaan, Suldaan Ladiif, Abwaan Baarleex, ugaasyo iyo boqoro kale oo ka soo jeeda beelahaasi.

Cuqaashan iyo Madax-dhaqameedkan ku soo biiray Xisbiga WADDANI, oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin ku soo biiritaankooda Xisbiga WADDANI, waxaana ay cod dheer ku sheegeen in ay go’aan ku gaadheen dhisidda Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo ay sheegeen in ay u arkaan in uu yahay shakhsi ay ku tuhmayaan in uu ka cadaalad fali doono hoggaaminta dalka sida oo kale na ay ka heli doonaan wixii ay xaq iyo xuquuq ba ugu lee yihiin qaranka Somaliland.

Suldaan Ladiif, Suldaan Daahir, Boqor Axmed Iimaan iyo weli ba sida oo kale siyaasiyiin iyo haldoor tira badan oo ka soo jeeda beelahaasi oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u sheegay in ay maanta farxad u tahay in ay Xisbiga WADDANI ku soo dhaweeyeen tira ba intii ugu luqunta weyneyd beelahaasi oo ay sheegeen in ay maanta aad ugu faraxsan yihiin soo biiritaankooda isla mar ahaantaana ay wax badan ka tari doonaan codka iyo cududa uu Xisbigaasi ku guuleysan doono Doorashada soo socota.

Xoghayaha Cadaaladda Xisbiga WADDANI Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo isagu na dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u muujiyey in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga keliya ee xaqsiin kara beelaha Gabooye isla mar ahaantaana waxa uu si aada u durey Xisbiga KULMIYE oo uu sheegay in uu si aada u hagraday beelaha Gabooye.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo isagu na ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu si aada u soo dhaweynaayo Madaxd-dhaqameedka ku soo biiray Xisbiga WADDANI ee ka soo jeeda beelaha Gabooye isaga oo cod dheer ku sheegay in uu Xisbiga WADDANI hore u balan-qaadey in uu wasiirka koowaad u magacaabi doono beelaha Gabooye isaga oo maanta na ugu daray in uu wax badan ka qaban doono baahiyahooda nololeed ee ka jira deegaanada ay ku nool yihiin beelahaasi.

bandhige@gmail.com