Xisbiyada mucaaridka Somaliland oo sheegay inay aqbaleen go’aanadii kasoo baxay gudida dhexdhexaadinta xukuumadda iyo xisbiyada

Xisbiyada Waddani iyo Ucid ayaa waxay sheegeen inay aqbaleen go’aanadii ay shalay soo saareen guddidii dhexdhexaadinta xukuummada iyo xisbiyada oo salka ku hayay khilaafka doorashooyinka Somaliland.

Gudoomiyaha xisbiga Waddani mudane Cabdirahmaan Cabdilaahi Cirro oo ku hadlayay afka labada xisbi mucaarid ayaa maanta warbaahinta la hadlay isla markaasna cadeeyay mowqifka labada xisbi ee ku aadan go’aandii ay maalintii shalay soo saareen gudidii dhexdhexaadinta ayaa waxay sheegeen inay aqbaleen go’aanada gudi.

dhanka kalena waxa uu sheegay gudoome Cirro in labada dhinacba waa xukuumadda iyo xisbiyada’e ay kalsoonida buuxda siiyeen gudida isla markaan ay tahay in go’aanka ergada la aqbalo ama malab ha ahaado ama ha qadhaado’e in la aqbalo, waxaa uu sidoo kale ugu baaqay madaxwaynaha inuu aqbalo go’aanka ergada.

Hoos ka daawo muuqalka warkan:

Bandhige@gmail.com