Xisbiyada qaranka iyo xukuumaddu waxay isla gaadheen xal siyaasi ah, doorashooyinkiina waxa la muddeeyey in ay dhacaan December 2016

Waxa Qasriga Madaxtooyada lagu soo gunaanaday wada-hadalladii soo bilaabmay 20-kii May ee u dhexeeyey xisbiyada qaranka iyo xukuumadda kuwaas oo lagu xalinayey khilaafkii siyaasiga ahaa ee ka dhashay muddo-kordhintii 22-ka bilood ahayd ee Golaha Guurtida Somaliland u sameeyeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada.

Waxa la gaadhay heshiis ka kooban 4 qodob oo ay saxeexeen saddexda guddoomiye xisbi, Madaxweyne-Ku-Xigeenkuna goobjooge ahaan ku saxeexay .

Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ayaa goor dambe oo xalay ah markii la soo afjaray khilaafka la hadlay warbaahinta iyagoo ku sugan Madaxtooyada.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo shir-saxaafadeedkaas hadal kooban ka jeediyey wuxu yidhi:

“Maanta waxanu isla qaadanay in doorashooyinku inoo qabsoomaan  2016-ka bisha 12-aad, maalintana ay gooyaan Guddida Doorashooyinka Qaranku, lagana soo guuro 2017-kii.”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo isaguna madasha ka hadlay ayaa yidhi:

“Waxan caawa shacbiga reer Somaliland ugu bushaaraynaynaa in aanu arrintii doorashooyinka sidii caadada inoo hayd is-af-garad ka gaadhnay. Waxan ku heshiinay in doorashooyinkii la qabto 2016 bisha Diisambar badhtankeeda. Heshiiskani waa mid dalka iyo dadkaba dan u ah. Bulshada caalamka waxan u sheegaynaa in ay nagu ixtiraamaan isla markaana nagula hawl galaan sidii ay doorashooyinku habsami ugu dhici lahaayeen wixii ay gacan ka gaysan jireena halkoodii ka sii wadaan.”

Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya Muuse Biixi Cabdi oo saxaafadda la hadlay ayaa isaguna sheegay in la gaadhay heshiis ay saddexda xisbi iyo xukuumaddu isla ogolaadeen iyadoo aan wax farogelin ahi dibadda kaga iman.

“Waxan idiinku bushaaraynaynaa wada-hadalladayadii oo in badan qolooyinkiina saxaafaddu aad lahaydeen waa lagu kala kacay, wuu burburay iyo waa la is mari waayey, in aanu hadda sidano heshiis saddexdii xisbi qaran, xukuumaddii, Madaxweynihii aanu isugu dhan nahay raalina ku wada nahay iyadoo aan cidina na soo farogelin.”

Guddoomiye Muuse wuxu intaas raaciyey “waxanu ku heshiinay laba qodob haddii la soo ururiyo. Marka koowaad waxaanu ixtiraamaynaa go’aankii Guurtidu ay ku kordhiyeen muddo-xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne-Ku-Xigeenka iyo Golaha Wakiillada. Qodobka labaad waxanu isla qaadanay in doorashooyinku ku qabsoomi doonaan bisha December badhtankeeda 2016-ka. Maalinta waxa cayimi doona Komishanka, waxana dikreeto ku soo saari doona Madaxweynaha.”

Ugu dambayn, Madaxweyne-Ku-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” oo guddoomiye u ahaa wada-hadalladan oo soo bilaabmay 20kii May ayaa heshiiskan ku tilmaamay guul taariikhi ah . Wuxuna yidhi isagoo la hadlaya warbaahinta:

“Ummadda Somaliland gudo iyo dibad meel ay joogaanba waxan ugu bushaaraynaynaa in sidii la innagu yaqaanay aan khilaafkii dhammaysanay. Saddexdii xisbi ee wada-hadalladu u dhaxeeyeen waxay ku heshiiyeen in doorashadu qabsoonto badhtamaha December 2016-ka. Waa guul taariikhi ah oo inoo soo hoyatay. Reer Somaliland gacmaha ha isku qabsadaan sidii aynu arrinkan uga wada shaqayn lahayn. Beesha Caalamkana waanu uga mahad naqaynaa muddada dheer ee ay nala soo shaqaynayeen waxanan rajaynaynaa in ay nagu taageeraan go’aankaa aanu wada qaadanay.”

Jadwalkan cusub ee doorashooyinku wuxu afar bilood oo kaliya ka yar yahay wakhtigii Golaha Guurtidu kordhiyeen, shan bilood iyo badh-na ka badan yahay wakhtigii Guddida Doorashooyinku soo jeediyeen.

Go’aankan cusubi wuxu ka farxin doonaa Beesha Caalamka oo beryahan dambe walaac weyn ka muujinaysay muddo-kordhintii Golaha Guurtida, xukuumaddana ugu baaqday in la fuliyo oo kaliya wixii ay saddexda xisbi isku raacaan.

Hase ahaatee Golaha Guurtida ayaa laga yaabaa in ay weji-gabax ku noqoto go’aankoodii oo markii koowaad intii Goluhu jiray wax laga beddelayo walow aanay u badnayn in ay ka hor iman doonaan go’aan ay xisbiyadu isla qaateen Madaxweynuhuna aqbalay.

Halkan hoose ka akhrisan heshiiskii oo qoran isla markaana daawo muuqaallo gaagaaban oo ah shir-saxaafadeedkii ay wadajir u qabteen saddexda xisbi iyo xukuumaddu.

Heshiiskii Xisbiyada