Xisbiyada Waddani iyo Ucid oo cadeeyay mawqifkooda ku aadan xubnaha komishanka ee maanta la ansixiyay

labada xisbi ee Ucid Iyo waddani oo Goordhaweyd warbaahinta Lahadlay Ayaa waxay war-saxaafadeed kasoo saareen mawqifkooda ku aadan xubnaha koomishanka doorashooyinka Somaliland oo maanta golaha wakiiladu ansixiyeen.

Waxa ay labada xisbi cadaynayaan in komishankii doorashooyinka ee la sugayay laga duway shuruucdii dalka iyo shuruudihii uu xeerku u dhigay xulista iyo ansixinta xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka, taasoo meesha ka saartay dhex-dhexaadnimadii iyo garsoorkii ay xisbiyada ugu xaqsoori lahaayeen. ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka

War-saxaafadeedkan ay soo saareen labada xisbi ayaa waxa ay sidoo kale ku sheegeen in ay qaadaceen xubnaha koomishanka ee maanta la ansixiyay kaas oo ay ku sheegeen in loo maray dariiq baal marsan sharciga, waxaanay ku baaqeen in ay qabanayaan shir wada tashi ah oo looga arinsanayo xaalada iyo masiirka uu dalku marayo.