Xoghaya Fulinta Dawladda Hoose waxa soo gabagabeeyey tababar ku saabsan maamulka

Xog-hayaha fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa oo soo xidhay Tababarkii Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha Dawladda Hoose oo ka socday Xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa

Tababarkan ayaa waxa u socday muddo shan cisho ah. Tababarkan oo loo qabanayay masuuliyiinta sar-sare ee Dawladda Hoose ee Hargeysa ee kala ah Xog-hayaha fulinta, Agaasimayaasha waaxaha, Guddoomiyayaasha Guddi hoosaadyada Golaha Deegaanka iyo madaxa Shaqaalaha waxaa uu ku soo idlaaday si wanaagsan.

Ugu horeyn na waxa ka hadlay muddadii tababarkani socday iyo u jeedooyinkii laga lahaa in laga gaadho marka tababarku dhamaado Maxamed Jaamac Meygaag oo ah La-taliyaha Dawladda Hoose ee Hargeysa ee Kobcinta iyo Horumarinta ee mashruucan JPLG, waxaan hadalkiisa ku bilaabay:

“Marka hore waxaan u mahadcelinayaa Ilaahay oo inoo fududeeyay in aynu muddo shan cisho ah ku sugnaano tababarkan, waxaa kale oo aan u mahad celinayaa cidkasta oo ka qeyb qaadatay diyaarinta buugaagtan loogu tala galay kobcinta iyo tayaynta shaqaalaha iyo shaqada dawladaha hoose. Agaasimayaasha oo run ahaantii aad u mashquulsan oo shaqo badanna haya ayaa waxay wakhtigooda qaaliga ah iskaga soo gooyeen sidii ay faham dheeraad ah uga heli lahaayeen tababarkan maamulka iyo maaraynta shaqaalaha dawladaha hoose, taas oo uu ku amaanay sidii fir-fircoonanta lahayd ee ay u qayb qaadanayeen khibraddooda shaqona ula wadaagayeen tababarayaasha. Wuxu kale oo uu intaas raaciyay hirgelinta buugga maamulka iyo maaraynta shaqaaluhu waxay faaiido u tahay cidkasta oo ka tirsan Dawladaha Hoose, gaar ahaan na waxay culeys ka dejinaysaa Guddida fulinta, shaqaala weynaha na waxay u hor-seedi doontaa ilaalinta iyo dhawridda shaqada iyo helidda xuquuqdooda shaqaale-nimo.”

Waxa kale oo madasha ka hadlay Maxamed Cumar Cabdilaahi oo ah Lataliyaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Dawladda Hoose ee Hargeysa gaar ahaan na mashruuca JPLG oo isaguna si faah-faahsan u sharaxay shanta buug ee loogu tala galay tababarka isagoo sheegay in hirgelintiisu ay cidkasta ka faa’iidayso kuna dhiiri-geliyay ka soo qeyb-galayaashii in ay ficil-u-rogaan wixii ay tababarkan ka barteen, gaadh siiyaanna shaqaalaha kale ee hoos yimaada.

Ugu dambeyntiina waxa soo xidhay tababarkan Xog-hayaha fulinta Ibraahim Axmed Raabbi waxaanu hadalkiisa ku bilaabay:

“Aad baan ugu faraxsan ahay in tababar aad u muhiim ahi idiin dhammaado oo aan idiin soo xidho, tababarkan oo muhiim u ah habsami-u-socodka hawl-maalmeedkeena iyo hagaajinta tayada shaqaalaha iyo adeeg-bixinta bulshadeena, waxa kale oo uu xog-hayuhu sheegay in ay intii karaankooda ah hirgelin doonaan xeerkan oo ay u arkaan in uu culeys weyn ka ridi doono haddii sida loogu tala galay loola qaato oo shaqaala, maamulka iyo golaha deegaankuba ula gartaan, wuxuu kale oo uu sheegay in dalalka caalamku ay isku dhaafeen hadba sida shaqaalahoodu u dhisan yahay dhinaca tayada isagoo tusaale na u soo qaatay dalka Jabaan oo uu sheegay in ay yihiin dal dhinaca shaqaalaha aad uga horumaray taasoo dhaxal-siisay in uu badeecadaha uu soo saaraa ka tayo iyo tamarba wanaagsan tahay caalamka kale alaabaha ay soo saaraan. Waxaanu ku so af-meeray inay higelintayaan hormoodna ugu noqonayaan degmooyinka kale.”

 

20151010_102946

bandhige@gmail.com