Xoghaya Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa beeniyey inay ka cuneen lacagtii xaqal-ciidka shaqaalaha

Xoghayaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay weheliyaan shaqaalaha ka hawlgala xarunta Golaha Wakiillada ayaa waxba-kama-jiraan ku sheegay war lagu baahiyey jariiradda afka dawladda ku hadasha ee Dawan oo sheegaya in  Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo xoghayaha golahaasi ay shaqaalaha ka cuneen lacagtii xaqul-ciidka ahayd ee ciidda Fidriga.

Shir-saxaafadeed  ay saaka  ku qabteen xarunta Golaha Wakiillada ayey ku beeniyeen warkaas. Ugu horeyna waxa halkaasi ka hadlay Xoghayaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle waxaanu yidhi:

“Waxaanu saaka  halkan isugu nimid oo aanu u fadhinaa in aanu ka jawaabno war lagu qoray jariirada Qaranka ee Dawan  taas oo joogtaysay inay mar walba wax ka sheegto golahan sharafta badan ee  wakiillada, waxaanay sheegtay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Xoghayaha golahaasi ay shaqaalaha ka cuneen xaqul-ciidkii la siin jiray shaqaalaha golaha wakiilada, waxaanan halkan idinka cadaynaynaa miisaaniyada golaha.”

Xoghayaha golaha wakiilada ayaa isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi

“Golaha Wakiilladu waxa uu soo saarayaa jariirad la yidhaa Xogsidaha Golaha Wakiillada. Saddexdii biloodba  hal mar ayey soo baxaysaa, insha’allaah wiigana way soo baxaysaa waxaanay ka hadlaysaa wax-qabadka Golaha iyo sidii dadka loo bari lahaa dawladnimada, xafiiska maamulka ee golaha.  Waxa kale oo ku soo bixi doona hadal-qoraalka doodihii 2005 ilaa 2015 ay wadaageen xildhibaanada Golaha Wakiilladu.”

Waxa kale oo shir-saxaafadeedkan ka hadlay Agaasimaha Maamulka iyo Xoghaye-xigeenka Golaha Wakiillada oo sheegay in aanay waxba ka jirin warkaas Dawan soo daabacday.

 

Bandhige@gmail.com