Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka John Kerry waxa uu booqasho Ku tagay dalka Qadar

Xoghayaha Arimaha Dibada Dalka Maraykanka John Kerry oo baryahanba booqasho ku maraayey waddamada Bariga Dhexe ayaa maanta soo gaadhay dalka Qadar, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono wasiirrada arrimaha dibedda ee iskaashiga Gollaha Khaliijka, si uu ugala xaajoodo heshiiska dhinaca hubka ah ee lala galay dalka iraan.

John Kerry oo safar ku maraya waddamada Bariga Dhexe ayaa ka hor intii aanu soo gaadhin Qadar waxa uu booqasho ku soo maray Masar, isaga oo halkaa kulamo kala duwan la galay qaar ka mid ah masuuliyiinta Masar.

U jeeddada ka dambeysa socdaalkan Xoghayaha Arimaha Dibedda Dalka Maraykanku uu ku marayo waddamada Bariga Dhexe ayaa ah, inuu ku qanciyo waddamada Bariga dhexe ee Maraykanka ay saaxiibtinimadu ka dhaxayso, si uu uga iibiyo heshiiska iyo wada-hadalada Iraan ee dhinaca hubka, islamarkaana uu ugu qancin lahaa wixii su’aalo ah ee ay ka qabaan heshiiskaasi.

John Kerry isagoo ka hadlaya su’aal taagan waxa uu yidhi:

“Dhamaan su’aalaha ka taagan heshiiska lagu gaadhay Vienna hadii si buuxda loo ansixiyo loona dhaqan-galiyo waxaan qabaa in degenaansho iyo xasilooni badan ay u horseedi karto dalka masar iyo waliba dalalka kale ee Gobolkan ka jira.”

Xoghayahu ayaa waxa uu sheegay inuu aad ugu kalsoon yahay in dalkasta oo ku yaala Bariga Dhexe,uu imika ka ammaan iyo xasilooni badan yahay sidii hore, isaga oo carabka ku dhuftay waddamada Masar, Isra,iil, iyo wadamada iskaashiga khaliijka, oo ka kooban,Sucuudiga, Baxrayn, Kuwayt, Cumaan, Qadar, iyo imaaraadka carabta.

Dalalkan ayaa badankoodu waxay walaac weyn ka qabaan cuna qabataynta laga qaadayo dalka Iiraan, iyaga oo rumaysan in ay xasilooni darro u horseedi karto Gobolka , islamarlkaana ay cabsi weyn ka muujiyeen, arrintani ay jaanis u siinayo inay galaangal intii hore ka badan yeeshaan.

Sidoo kale cabsida ugu weyn ee uu Gobolku ka qabaa Iiraan ay tahay inuu hadhawto kharashaad u helaayo, kuna soo taageeraayo kooxaha xag jirka ah, sida Xisbulah oo kale.

Wasiirka arimaha dibada dalka sucuudiga ayaa isaguna sheegay inuu diyaar u yahay soona dhaweynaayo heshiis kasta oo tibaaxaya in dalka Iiraan aanu samaysan hubka wax gumaada ee nukliyeerka.