Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in dib-u-dhac ku yimaada doorashadda Somaliland nusqaaminayso kalsoonida beesha caalamka, sidoo kalena wuxu ka hadlay hawlihii kaadh qaybinta 

 

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dawladda Somaliland ugu baaqay inay damaanad qaado inaan mar kale la arag dib u dhac ku yimid doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo toddobaadkan warbixintiisa saddex biloodlaha ah ee Somaliland iyo Somaliya u gudbiyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay, ayaa qaybta uu kaga hadlayo Somaliland wuxuu ku sheegay in dib u dhacyada doorashadu nusqaamiyeen sumcadii iyo kalsoonidii Somaliland ee geedi socodka dimuqraadiyadda. Waxase uu soo dhaweeyay diyaar garowga hadda ee loogu jiro qabashada doorashada “Waxaan soo dhawaynayaa” ayuu yidhi xoghayaha guud “diyaar garowga uu maamulka Somaliland ugu jiro qabashada doorashooyinka madaxtooyada ee aadka u muddo dhaafay ee qorshaysan 13 November 2017. Dib u dhacyada soo noq-noqday ee qabashada doorashadu waxay abuureen walaacyo culus; waxaanay nusqaamiyeen kalsoonidii lagu qabay geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.”

Isagoo hadalkiisa sii wata lana hadlaya dawladda Somaliland wuxuu yidhi “Waxaan ugu baaqayaa maamulka inay damaanad qaadaan inaanay dib u dhacyo dheeraad ahi ku iman qabashada doorashada madaxtooyada iyo Baarlamaanka.”

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxa kale oo uu warbixintiisan kaga hadlay hawlaha guddiga doorashadu ay gobalada dalka kaga qaybiyeen kaadhadhka cod bixinta doorashada, waxaanu xusay hawlaha kaadh qaybinta ee gobalada Somaliland.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, wuxuu soo hadal qaaday cabashada uu Farmaajo ka cawday heshiiska Somaliland iyo DP world ee dekedda Berbera, “Inkastoo uu Madaxweyne Farmaajo si rasmi ah uga cawday heshiiska dekedda Berbera ee Somaliland iyo shirkadda Imaaraadka Carabta fadhigeedu yahay, haddana bishii April wefti sare oo ka socda Imaaraadka Carabta ayaa ka qayb galay daah-furkii 11 May.”

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxa kale oo uu warbixiintiisa kaga hadlay wada hadalada u socda Khaatumo iyo Somaliland iyo sidoo kale magacaabista Marwo Edna Aden uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay inay noqoto ergayga wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Xigasho: Geeska Afrika.

bandhige@gmail.com