Xoghayaha Warfaafinta Waddani Boobe Yuusuf Ducaale wuxu u jawaabay Warancadde, wuxuna eedeeyey Komishanka

Boobe Yuusuf Ducaale, Xoghayaha xisbiga ugu wayn mucaaridka Somaliland- Waddani- ayaa si adag ugu jawaabay Wasiirka Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo shalay shir-saxaafadeed lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada weedho digniin iyo hanjabaado isugu jira ugu gudbiyey mucaaridka. Sidoo kale wuxu eedaymo u jeediyey Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Boobe wuxu maanta shir-saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa, ereyadiisiina waxa ka mid ah:

“Bishii Abril 20keedii Komishanka Doorashooyinku Madaxweynaha ayey u tageen waxayna u sheegeen in aanay doorashada ku qaban karin 26ka Juun 2015 balse ay ku qaban karaan 1da Juun 2016. Nimankaasi eedda ay galeen ee dalku u rogmanayaa waa intaas. Komishanka doorashooyinku madaxweynaha ayay hoos tageen, madaxweynaha waxa la gudboonayd maalintaas in uu ku yidhaah waad qaldanteen laakiinse wuxuu ku yidhi warkiina Guurtida ayaan u gudbinayaa. Murankii halkaa ka dhashay ayaa maantaa halkaa inala maraya”.

Dhinaca kale Boobe waxa uu ka jawaabay hadal ka soo yeedhay xukuumadda kaas oo sheegayey in aanay xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye ka bixin heshiiskii xisbiyadu wada gaadheen. Isagoo arrinkaas ka hadlayana wuxuu yidhi:

“Maalin walba ummadda waxa hor taagan niman aan talo ka go’in oo go’aankii ka maqan yahay oo uu meel kale fadhiyo- waa xukuumadda uu Saylici wakiilka ka yahay; waa hoggaanka xisbiga Kulmiye ee marna Guurtida kordhiya ku odhanaya markii heshiiska lala galayey  xisbiyada mucaaridkana lahaa saddex bilood ayaanu doorashada soo qadimnay oo Diisambar ayay dhacaysaa. Aqoon-darrada siyaasadeed ee haysa ayaa wax walba ka daran ee ay ku odhanayaan kanna waa go’aan siyaasi ah kana waa go’aan sharci ah.”

Xoghaye Boobe wuxu sheegay in aanay Guurtidu xeer iyo xaagaan midna xaq u lahayn in ay buriso wixii ay Komishanku soo gooyeen. Wuxu sheegay in haddii ay Guurtidu go’aankan “muddo-kordhinta” ku guulaysato ay iman doonto in ay hadhowna laalaan cidda ay Komishanku ugu dhawaaqaan guusha doorashada.

Dhanka Boobe wuxu si adag ugu jawaabay Warancadde oo shalay ku hanjabay in xukuumad ahaan ay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii qaranimada ka hor timaad isla markaana ay jiidhi doonaan. Weedhihii Xoghayaha waxa ka mid ahaa:

“Cali waa Daahir-sheeg. Waa ninkaa sarajoogga ku atixiyaadsanaya. Waa ninkii isaga oo Wasiirkii amniga ah Madaxweynaha haamaha shidaalka geeyey ee habeenka dhan afarta saacadood ruwaayadda loogu dhigayey. Haamuhu halis bay ku jireen, Madaxweynuhuna halista ku jiray. Waa ninkii maalintii isagoo jooga aaska raggii maalintii dhawayd shilka ku dhintay yidhi baabuurta turuska leh oo dhan waanu mabnuucay ee sugi kari waayey inta uu fadhiisto in uu daraaseeyo waxa sababa shilalka kadibna amar ka soo saaro.”

Dhanka kale Boobe Yuusuf Ducaale wuxuu dhaleeceeyey go’aankii ay Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Dhexe ay xawaaladaha kaga dalbee in ay dadka lacagaha loo soo xawilo boqolkiiba soddon u sarrifaa iyadoo ay dawladdu weli cashuurta ku qaaddo Doollar.

Gunaanadkii shir-saxaafadeedka Boobe Yuusuf Ducaale wuxu sheegay in ay Waddani ahaan ku dhaqmayaan Dastuurka qaranka balse aanay aqbalayn xeer-jajab iyo kursi sharci-darro la isaga sii fadhiyo.
Bandhige@gmail.com