Xoghayaha Warfaafinta Waddani, Cabdirashiid Xasan-Mataan, ayaa farriin caqlicelin ah warbaahinta u mariyey Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro

 

Xoghayaha Warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdirashiid Xasan-Mataan ayaa farriin muuqaal ah oo lama-filaan ah warbaahinta u mariyey Guddoomiyaha Waddani ahna murashaxa madaxweynenimo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro.”

Xoghaye Cabdirashiid wuxu hadallo darraad ka soo yeedhay Guddoomiye Cirro ku tilmaamay kuwo ay cadho ka keentay.

“Qof masuul ah cadho waa looga roon yahay. Cabdiraxmaan waxan leeyahay waxad xaqiiqsataa Muuse Biixi sida uu doono ha ku soo baxee in uu yahay musharaxa kula tartamaya” ayuu yidhi Xoghayaha Waddani.

Guddoomiye Cirro oo waraysi siiyey Horn Cable TV isagoo u jawaabayey Guddoomiyaha Kulmiye oo dhiillo ku tilmaamay kulan qaar ka mid ah warbaahinta Kiiniya wariyeen in Guddoomiye Cirro Nayroobi kula kulmay Ra’iisal-Wasaaraha xilkiisu sii dhammaanayo ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke ahna murashax u taagan madaxweynenimo.

“Waxan is leeyahay nin baa nin la kulmay oo Xamar dadka gaynaya waxa ka dhaw (in la maxkamadeeyo) ka aakhiro dadka u diraya ee leh ha la laayo” ayuu yidhi Guddoomiye  Cirro.

Cabdirashiid Xasan-Mataan ayaa sida muuqata kor uga kacay haybtii xisbinimo hadalkiisana ku saleeyey waddaniyad iyo odaynimo isagoo sidoo kale farriimo u jeediyey Guddoomiyaha xisbul xaakimka ahna murashaxa madaxweyne nimo Muuse Biixi Cabdi, una sheegay in aanu jirin murashax dambe oo laga reebayaa una diyaar-garoobo in uu la tartamo Guddoomiye Cirro.

Xoghaye Cabdirashiid wuxu sidoo kale dhallinyarada isticmaasha warbaahinta bulshada u soo jeediyey.

“Danta Somaliland kuma jirto in aynu qaybsano, in aad ‘social-media-ha’ isku maagtaan. Dantu waxay ku  jirtaa in aynu hoggaamiyeyaasha u sheegno in ay wada-jirka iyo tanaasulka ka shaqeeyaan”

Cabdirashiid wuxu jabiyey dhaqanka xisbiyada siyaasadda Somaliland ka jira oo ah in aan sarkaal xisbi ka tirsani Guddoomiyihiisa warbaahinta u marin dhaliilo.

Su’aal muhiim ahi waxay tahay maxaa keenay in uu Cabdirashiid telefishanka soo fadhiisto isaga oo karayey in uu dhaliishaas dhex dhigo Golaha Fulinta ee xisbiga uu ka tirsan yahay ama uu toos ugu sheego Guddoomiyihiisa?

Ma dhici kartaa in dhawaqiisani horseedo khilaaf ka dhex qarxa isaga iyo xisbiga Waddani? Mase laga yaabaa in uu khilaafkaasi haddaba jiro ama Cabdirashiid ka fikirayo in uu jiho kale u shiraacdo?

Cabdirashiid Xasan-Mataan in kastoo uu siyaasadda afar sanno oo kali ah ku jiray kuna soo biiray markii uu 2012-kii noqday murashaxa ku-xigeenka madaxweynaha ee xisbiga UCID, wuxu hadda ka mid yahay siyaasiyiinta caanka ah ee gobolka Awdal. 23-kii  November 2015 ayuu iska casilay murashaxnimadii UCID una digo rogtay xisbiga Waddani iyadoo loo magacaabay jagadii uu iska casilay Boobe Yuusuf Ducaale oo ah Xoghayaha Warfaafinta ee Waddani.

Hoos ka daawoo muuqaalka Sharbi Media Production oo xambaarsan farriinta Xoghayaha Warfaafinta Waddani Cabdirashiid Xasan-Mataan.

Bandhige@gmail.com