Xoghayaha Xisbiga Kulmiye oo beeniyey in beeshiisii isku raacday taageerada xildhibaan Kijaandhe

Xoghayaha xisbiga Kulmiye Xasan Siciid ayaa waxa uu beeniyey warar baahisay shabakadda Hadhwanaag News oo sheegayey in beesha Arab isku raacday taageeradda musharaxa Madaxweyne Axmed Cabdi Kijaandhe.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

Warsaxaafadeed

Ujeeddo: War Beenin

Anigoo ah Xasan Siciid Yuusuf, Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, kana tirsan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga, waxaan halkan ku beeninayaa war been abuur ah oo ay qortay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, kana xigteen warbaahin kale, warkaas oo ay ku sheegtay in xubnaha golaha dhexe ee beesha Arab ay si buuxda isugu raaceen taageerada murrashaxa Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe kadib shir ay isugu yimaadeen Khamiistii. Haddaba, waxaan caddaynayaa in aanay waxba ka jirin warkaasi oo uu yahay mid been abuur ah.

Waxa jiray shir casuumad qado ahaa oo ay qabteen salaadiinta beesha Arab, kaas oo aan habayaraatee cid lagu taageeray iyo cid lagu diiday toona aanay jirin, waxaanna shirku isku raacay in xubnaha golaha dhexe ee beesha ugu jira KULMIYE ay gaar isku arkaan oo ay ka wadatashadaan arrimahooda xisbinimo. Sidaa darteed, xubnaha golaha dhexe waxay yeelan doonaan wadahadallo iyo wadatashiyo gaar ah, isla markaana waxay si dhakhso ah uga soo saari doonaan is-afgarad ay ka gaadhaan danahooda.

Waxaan uga digayaa warbaahinta inay ka waantoobaan wararka been abuurka ah ee aan waafaqsanayn anshaxa iyo dheeltirka wareed, iskana horkeenaya bulshada.

 

bandhige@gmail.com