Xoghayihii hore ee Gabiley iyo xoghayaha cusub ayaa xilkii loo kala wareejiyey maanta

Waxa maata xilka wareejiyey Cabdiraxmaan Nuur Abokor oo ahaa xoghayihii ugu muddada dheeraa Dawladda Hoose ee degmada Gabiley, wuxuuna ku wareejiyey xoghayaha cusub ee xilka loo soo magacaabay Mustafe Maxamuud Cabsiiye.

Munaasibadda xil-wareejinta oo maanta ka dhacday xarunta Dawladda Hoose waxa ka qayb galay Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiga Dr. Cabdi Cabdillaahi Suufi, Wasiirkii hore ee Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse, Maayarka Gabiley Maxamed-Ammiin Cumar Cabdi, Badhasaab-xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdillaahi “Cali-Case”, Agaasimaha Ururka Dawladaha Hoose Maxamed Cabdi Xaashi “Xamari”, wax-garad iyo marti-sharaf kale.

Hoos ka daawo warbixin muuqaal ah oo ay diyaariyeen Nimcaan Dheeg Ibraahim iyo Ayaanle Xaaji.