Xogyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland ayaa hambalyo u diray Mo Faarax

Xogyaha Guud ee Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland Mustafe Cabdi Xadi ayaa sheegay in uu ku diirsaday guulaha is-daba-joogga ah ee uu gaadhay xidigga weyn ee reer Somaliland isla markaana haysta jinsiyadda Ingiriiska.

Mo Faarax oo shalay ku guulaystay orodka 5000 ee mitir ee tartanka Horyaalka Ciyaaraha Fudud ee Adduunka oo ka socday Bayjiin isagoo horena hantay orodka 10.000 mitir.

Xogyaha Guud ee Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Somaliland dhambaal hambalyo iyo taageero iskugu jiray u diray Mo Faarax isaga oo ku sifeeyey in uu tusaale wanaagsan u yahay jiilka cusub ee Somaliland.

Xoghaye Mustafe waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu cawaysinkii Sabtida gaadhsiiyey Xafiiska Shabakadda Wararka ee HargeisaPress.com kaas oo u dhigan sidan: 

“Waxaan  hambalyo iyo taageero u dirayaa orodyahanka caalamiga ah ee reer Somaliland Mo Faarax isla markaana haysta jinsiyadda Britishka, kaasi oo ku guulaystay biladdii labaad ee dabab tartanka ciyaaraha fudud ee ka socda Beyjiin.”

Xoghaye Mustafe wuxu sheegay in guusha Mo Faarax ay tahay mid u soo hoyatay Somaliland iyo Ingiriiskaba.

Billaddii labaad ee Mo Faarax shalay hantiyey waxay ka dhigtay in uu noqdo ciyaaryahankii ugu billadaha dahabka badnaa taariikhda Ingiriiska.

Il-wareed: Hargeisapress.com

Bandhige@gmail.com