Xoolaha Soomaalida oo si kumeel gaadh ah loogu furay suuqyada dalka Sucuudiga

Dawladda Sucuudiga ayaa sheegtay  in xilligan si ku meelgaadh ah  Xoolaha  Soomaalida  loogu furay suuqyada Dalkaasi in loo  dhoofiyo.

Wasaaradda deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ayaa go’aamisay in loo baahan yahay in ka badan 100,000 oo Neef oo ah xoolaha Somalia muddo 30 maalmood gudahood ah.

In ka badan saddex sano  ayuu xidhnaa Suuqa xoolaha  Soomaalida ee sucuudiga loo dhoofiyo, marka laga reebo xilliga xajka oo si kooban loo furi jiray.

Sidoo kale Sucuudigu wuxuu fasaxay badeecado  ganacsi oo ka iman jiray dalal kala duwan kuwaasi oo ka xanibnaa ama laga joojiyay in dalkaasi loo dhoofiyo.

Arrintaasi ayaa salka ku haysa saamaynta ay dalkaasi ku yeesheen xanibaadaha caalmiga ah ee Cudurka Coronavirus, gaar ahaan dhanka amniga cunada Sida ay ii xaqiijiyeen ilo diblomaasiyadeed oo aan la xidhiidhay.

Waxa aan kasoo xiganay Cabdishakuur Dayib Maxamed oo ka tirsan war-fidiyeenka Horn Cable TV.