Xubin caan ah oo ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Kiiniya ayaa is casishay, kadibna waxay u baxsatay Maraykan

Roselyn Akombe oo ka mid ah xubnaha Komishanka Doorashooyinka Kenya ayaa is casishay, doorashada 26ka bishan dalkeeda laga filayona ku tilmaantay mid aan la aamini karin.

Roselyn oo haysata shahaadadda PhD, waxna ku baratay dalka Maraykanka, ayaa lagu soo waramayaa in ay u goosatay Maraykan oo ay New York ka degtay.

Waa dhibaatadii ugu dambaysay ee soo wajahda doorashada Kiiniya kadib markii uu dhawaan guddoomiyaha mucaaradku ku dhawaaqay in aanu ka qayb galayn doorashada ilaa dib-u-habayn lagu sameeyo Komishanka Doorashooyinka ee dalkaas.

Roselyn ayaa ahayd xubinta ugu caansan Komishanka marka laga yimaad guddoomiyaha. Waxayna ahayd qof sumcad lahayd oo loo arkayey in lagu kalsonaan karo.

Haweenaydani oo mar ka hoos shaqayn jirta Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa xubnaha Komishanka Kiiniya ku eedaysay in ay la kala safteen labada kooxood ee is haya, sidaas daraadeedna shaqadoodu aanay ahayn dhexdhexaad iyo mid waddaniyad ku dhisan.

Lama hubo in Komishanku ku sii socon doono qabashada doorashada iyo in ay hakin doonaan.

Bandhige@gmail.com