Xubin ka mid ah Guddidii Fulinta ee hore ee FIFA ayaa qirtay eedaymo laaluush

Chuck Blazer oo ka mid ahaa Guddidii Fulinta ee hore ee FIFA ayaa u sheegay maxkamad ku taal Maraykanka in ay laaluush ka qaateen go’aankii ay ku ansixiyeen in waddamada Faransiis iyo Koonfur Afrika martigeliyaan koobabkii adduunka ee la qabtay sannadihii 1998 iyo 2010.

Blazer wuxu sheegay in xilligii laaluushka ay qaateen ay ku beegnayd ilaa 1992 markaas oo Faransiiska loo ansixiyey koobkii adduunka ee lagu qabtay 1998.

Sepp Blatter wuxu is-casilay baadhitaannada FBI-da kadib
Sepp Blatter, Madaxweynihii FIFA, wuxu is-casilay baadhitaannada FBI-da kadib

Blazer oo ahaa sarkaalka labaad ee FIFA u qaabilsan Waqooyinga iyo Badhtama Ameerika iyo Kareebiyaanka, wuxu si sir ah u qirtay toban dambi oo garsoorka Maraykanku ku soo eedeeyeen, taas oo ahayd heshiis hoose oo dhex maray isaga iyo Xeer-Ilaalinta Maraykanka.

Qirashada Blazer waxa ay horseedday baadhitaannada hay’adda FBI-du ku samaynayso hay’adda FIFA iyagoo hadda baadhitaankooda ku daray sidii loo kala saaray tartankii ay waddamadu u galeen cidda martigelinaysa koobabka adduunka ee 2018 iyo 2022, kuwaas oo ay ku kala guulaysteen Ruushka iyo Gadar.

Waxa kale oo qirashada Blazer ay sababtay in saraakiil sare oo FIFA ah dacwad lagu soo oogo qaarkoodna xabsiga loo taxaabo, isla markaana uu is casilo Madaxweynihii muddada dheer maamulayey FIFA, Sepp Blatter.

Baadhitaannadan waxa ay hay’adaha Maraykanku bilaabeen laba toddobaad ka hor, waxana la filayaa in ay sii socon doonaan ilaa laga gun gaadhayo.

bandhige@gmail.com