XUBNAHA GOLAHA WAKIILADDA SOMALILAND OO KULAN LA QAATAY DHIGOODA DALKA UK: 

Xubno ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha 2aad ee Golaha Wakiiladda Mudane, Xildh. Ali Hamud Jibril oo ku sugan Dalka UK ayaa Xafiiskiisa Dhismaha Baarlamaanka UK kulan kula yeeshay Sir/Xildh. Gavin Williamson oo ka tirsan Mudanaaya Golaha Wakiiladda UK.

Kulankan oo Qabsoomidiisa ay Qayb-ka Ahaayeen Gudiga Arimaha Dibadda ee Golaha Wakiiladda, Wasaaradda Arimaha Dibadda & Safaaradda Somaliland ee Dalkan UK ayaa ku Qabsoomay Jawi aad u Wanaagsan. Kulankan oo ahaa mid aad u Muhiimsan ayaa Labada dhinac Waxay iska Waraysteen Xaaladaha guud ee Labada Dal, Doorashooyinka Labada dhinac ee Sanadka Dambe “Doorashooyinka S/land & Doorashooyinka Baarlamaanka ee Dalkan UK oo ku Beegan Sanadka Dambe”; Waxaana la isla Meel-dhigay sidii Loogu Diyaar-garoobi lahaa Doorashooyinkaas.

Labada Dhinaca waxa kale oo ay ka wada hadleen Xaaladaha Amniga Badda Cas, Dimoqraadiyadda, Dowlad-wanaaga & Xoojinta Xidhiidhka Labada Gole ee Somaliland & UK; Kulankan oo ku soo dhamaaday isfaham Buuxa ayay Labada dhinac ku kala qaateen Shaqooyin u Baahan Dabagal iyo ka Midho-dhalin.

Xubnaha Golaha Wakiiladda Somaliland ee ku sugan Dalkan UK ayaa kulamo Kale la yeelan doona Xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka UK iyo Weliba Hawl-wadeenada Wasaaradda Arimaha Dibada ee Dalkan UK; Xubnahani inta ay dalkan joogaan waxaa ka go’an inay wakhtigooda fasaxa uga Faa’iideeyaan ka Shaqaynta Arimaha lagu Hormarimayo Somaliland & Xidhiidhka Dalalka Yurub; Xubnuha Waxaa u Qorshaysan Kulamo kale oo badan oo Muhiim ah.

Kulankan, Waxaa Xildhibaanada ku wehelinayey Wakiil ka Socda Safaarada Somaliland ee Dalkan UK.