Murrashaxa Madaxweyne Ku xigeenka WADDANI
Musharraxa Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Amb. Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sheegay in uu la dareen iyo damqasho yahay ganacsatada hantidoodii ku waayey masiibada dabka ee haleeshay suuqii weyna ee Wajaale.
Waxa uu ILLAAHEY uga baryey in uu bedel kheyr qaba ka siiyo hantidoodii.
Dhiñaca kale Musharraxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga WADDANI waxa uu xukuumadda ugu baaqay in si deg dega baadhis ballaadhan loogu sameeyo soo noqnoqashada gubashada Suuqyada dalkeenna.