Xukuumadaha Bariga Afrika waxay Burundi ka dalbeen in ay dib u dhigto doorashada madaxtooyada

Kadib markii xukuumadda Burundi ay kaga dhabaysay doorashooyinkii dunidu ka soo horjeedday ee baarlamaanka 29-kii June, waddamada Bariga Afrika waxay hadda isku dayayaan in ay xiisadda dejiyaan waxayna Madaxweyne Nkrunziza ka codsadeen in uu doorashooyinka madaxtooyada ee qorshaysan 15 July uu dib u dhigo ugu yaraan bil iyo badh.

Golaha Wasiirrada ee Bariga Afrika iyagoo wefti ah ayay u tageen Madaxweyne Nkurnziza, waxayna ka dalbadeen in uu soo dhiso dawlad midnimo-qaran isa markaana uu sii daayo dhammaan hogaamiyeyaasha siyaasadda loo xidhxidhay si u ay qayb qaataan wada-hadallo siyaasadeed bilaabma si xal loogu helo murugga taagan iyo rabshadaha oogan.

Masuuliyiin sare sare oo ka tirsanaa xukuumadda ayaa ka cararay waddanka kuwaas oo ay ku jiraan Nadaxweyne-xigeenkii iyo Afhayeenkii Baarlamaanka ka dib kacdoonkii lagaga soo horjeedday muddo-xileedka saddexaad ee Pierre Nkurunziza.

Waddamada ay wasiiradani ka socdaan ayaa hore u sheegay mowqifkoodii ku saabsanaa doorashadii baarlamaanka ee Burundi. Waxa ay diideen in ay goobjoogeyaal u soo diraan. Sidoo kale waxay doorashadaas ku tilmaameen mid aan xor iyo xalaal ahayn dimuqraadiyaddana aan waafaqsanayn.

Hase ahaatee dawladahani waxa ay hadda danaynayaan xal. War-murtiyeed ay soo saareena waxa ay ku sheegeen in ay ka shaqaynayaan sidii ay u dhisi lahaayeen kalsooni siyaasadeed oo ka hana-qaadda Burundi. Si halaag looga badbaado, waddamadani waxa ay hadda rabaan in Nkurunziza xilka sii hayo inta laga gaadhayo doorashada madaxtooyada.

Wasiirada Bariga Afrika waxa ay mucaaridka Burundi ugu baaqeen in ay la yimaadaan tanaasulaad iyo wada-hadal si heshiish looga gaadho qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Burundi.

Wasiirada Bariga Afrika waxa ay qorshaynayaan in ciidamo nabad-ilaalineed oo Afrikaan ah la geeyo Burundi si hub-ka-dhigis loogu sameeyo maleeshiyoonka ka jira gobollada ay xiisaduhu ka jiraan qaarkood.

Hase ahaatee xukuumadda Burundi ayaa weli ku adkaysanaysa in ay doorashada madaxtooyadu dhici doonto 15-ka July oo ah wakhtigii loo qorsheeyey.

Si kastoo ay tahayba toddobaadkan aynu ku jirno ayaa la dhawri doonaa in uu Nkurunziza Afrika dhagaysto iyo in uu ku sii socdo qorshihiisa madaxnimo doon ee 15-ka July.

bandhige@gmail.com