Xukuumadda ayaa deeq raashin ah u dirtay dadka abaaruhu saameeyeen ee gobollada Galbeedka

Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil (Saylici) ayaa saaka ka qaybgalay munaasibad ay xukuumaddu raashin mucaaawino ah ugu diraysay Gobollada Galbeedka halkaasna loogu diray gaadiid sida raashin kala duwan.

Mucaawinada ayaan noqonaysa tii koowaad ee loo diro dalka, gaar ahaan gobollada galbeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil (Saylici) oo ka hadlay ambabaxa gaadiidkan raashinka mucaawinadda ah sida ayaa xusay in tallaabadani ay tahay taallaabo degdeg ah oo ay dawladdu kaga jawaabayso baaqii abaaraha ee gobollada Galbeedka, oo ay xukuumaddu xil weyn iska saartay.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne-xigeenku ka jawaabay hadalo dhawaan ka soo yeedhay axsaabta mucaarika oo ahaa xafladii qurba joogta loo sameeyey, waxaanu sheegay in ay haboon tahay in lamaamuuso qurba joogta dalka, laakiin se ay nasiib darro tahay hadii aynu wax walba siyaasadayno, sidoo kale Madaxweyne Saylici wuxuu ku amaanay doorka qurba joogtu ku leedahay hor-u-marka dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay Saylici in qurba joogta waddanka soo booqataa ay yihiin kuwa ugu wanaagsan uguna muwaadinimada jecel kuwaas oo soo booqda wadankooda idhahoodana ku arka halka ay abaaraha iyo xaalka dalkoodu maraayo, kuwaas oo hadhawna markay dib u noqdaan ka soo qayb qaadan doona mucaamida dadkooda dhibaataysan.

Hadaba mucaawimadan maanta loo diray Gobolada Galbeedka ayaa noqonaysa talaabadii ugu horeysay ee ay xukuumaddu kaga jawaabayso baaqii abaaraha ee kasoo yeedhay deegaanadda Galbeedka.

bandhige@gmail.com