Wasiir-Xigeenka Amniga ayaa ka hadlay khasaare dhaawac iyo dhimasho isugu jiray oo xalay ka dhacay Hargeysa

Isku-dhac uu ku dhintay ilmo yar oo 9 jir ah, laba qof oo kalena ku dhaawacmeen oo xalay ka dhacay xaafadda Jigjiga-yar, Hargeysa, ayaa ayey xukuumaddu markii u horeysay ka warbixisay.

Wasiir ku-Xigeenka Amniga ee Wasaaraada Arrimaha Guddaha Cabdi Daahir Cammuud oo ay saxaafadu wax ka waydiisay dhacdadan dhimashada iyo khasaaraha sababtay ayaa waxa uu yidhi:

“Dhacdadani waxay ka dhacday shalay xaafada Jigjiga-yar ee Hargeysa, ka dib markii guri la isku haystay dhulka laga dhisaayo ay Dawladda Hoose amar ku bixisay in la joojiyo dhismaha gurigaas, halkaas oo ay ciidamada boolisku ku joojiyeen dhismihii guriga, oo ay ciidamadu meeshii la wareegeen.”

Isagoo hadalkiisii sii watay waxa uu yidhi:

“Intaa kadib waxa weerar ku soo qaaday dadweyne cadhaysan, oo iyagu malaha diidanaa in la joojiyo dhismaha guriga, waxay shiid hadhka kaga dhigeen boolis, mar labaad ayaa haddana markii gabalkii madoobaaday  waxa weerar lagu soo qaaday ciidanka booliska oo meeshaasi ku sugnaa.”

Waxa kale oo uu sheegay khasaaraha meesha ka dhacay, waxa uu yidhi:

“Markii ciidamadii dhagax la boobay oo dhinac walba lagaga yimid waxaa meeshaa ku naf waayay ilmo yar oo 9jir ah, oo ay xabbad jeeraaro ahi ku dhacday isla meel aan ka fogayn dhulkan, laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen” ayuu yidhi Wasiir-Xigeenku.

Sidoo kale waxa uu wasiir-xigeenku sheegay in uu ka xun yahay khasaaraha goobtaasi ka dhacay, waxaanu dadweynaha ugu baaqay in aanay carqaladayn booliska ammaanka ilaalinaya ee la dhinac istaago oo la taageero, waxaanu xusay in ay jiraan dhawr askari oo wax ku noqday dhagaxaantii ay dadweynuhu ku soo weerareen Ciidanka.

Wasiir-xigeenku waxa uu intaas raaciyey in ay jiraan dad loo qabqabtay rabshaddaas oo ay xidheen ciidanka Boolisku.

Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa baryahan dambe aad moodaa inay ku soo badanayaan Hargeysa, oo mar walba khasaaraha dhulalka la isku haystaa ay sababaan khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dadweyne uu aragtidooda wax ka waydiiyey Bandhige ayaa badankoodii waxay tibaaxeen in dhacdooyinka noocan oo kale ahi ay dhacaan marka ay dadku caddaalada waxa ka tabanayaan ama marka uu nin xoog weyni isku dayo in uu muquuniyo mid itaal yar.

bandhige@gmail.com