Xukuumadda Imaaraadka Carabta oo shaacisay in ay dalka ka fulinayso mashaariic biyo ah

Dawlada Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday inay dhawaan si dhakhso ah uga hirgalin doonto Somaliland mashaariic dhinaca biyaha ah, taas oo ay ka fulindoonaan dhaamam waaweyn oo biyo xidheeno ah.

Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Imaaraadka Carabta Ambasador Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay, madaxa hay,ada Khalifa Foundation ee dalka imaaraadka carabta, Mohamed Alkhoori, waxaanay halkaa kaga wadda hadleen si hay’adu u sii xoojin lahayd mashaariicda ay dalka ka waddo.

Sidoo kale safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Imaaraadka Carabta ayaa uga mahadceliyey doorka ay hay’adani ka jirto taakulaynta dalka,iyadoo imikana gacanta ku haysa mashaariic badan oo ay ku jiraan labba dhakhtar, Mashruuca biyo galinta ee Xumbo-weyne, halka ay haatana gacanta ku hayso arinta gurmadka abaaraha.

Dhinaca kale masuulka haydan Khalifa Foundation ayaa waxa uu sheegay in ay dawlada imaaraadka carabtu dhawaan ka hirgalin doonto Somaliland labba mashruuc oo cusub, kuwaasi oo ah dhaamam waaweyn oo biyo-xidheeno ah, maadadaama oo ay tahay baahida ugu weyn ee Somaliland ay tahay dhinaca biyaha.

Mashaariicdan ayaa waxay noqonayaa mashariicdii saddexdaad ee ay Dawlada Imaaraadka Carabtu ka fuliso dalka Somaliland tan iyo Somaliland ay safiirka u magacawday dalka imaaraadka carabta, wakhti xaadirkana laga dareemi karo dalka imaaraadka carabta iyo somaliland xidhiidh isu soo dhawaansho, sidoo kale Diyaarada dalkasi laga leeyahay ee Fly Dubai ay si joogto ah Somaliland u timaado.

Ugu dambayntii safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Imaaraadka Carabta Abasador Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa halkaasi waxa uu ku gudoonisiiyey madaxa hayda Khalifa Foundation abaal marin uu uga siday Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland, abaal marintaasi oo ku aadanayd doorka uu Dalka Imaaraadku Carabtu ka qaato mucaawinooyinka Somaliland.