“Xukuumadda Ingiriisku waxay Somaliland kala shaqaysaa casriyeynta hannaanka maaliyadda Somaliland” Wasiirka Maaliyadda

Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim ayaa shalay isku urursaday sidii ay wefti Ingiriiska ka socda ugu soo dhawayn lahaayeen magaalo-xeebeedda Berbera.

Weftigan ayaa lagu soo warramayaa in uu ahaa mid heer sare ah oo ka socda hay’adda Ingiriiska u qaabilsan kaalmada caalamiga ah ee magaceeda loo soo gaabiyo DFID.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo saxaafadda u warrantay ayaa sheegtay in ay ku faraxsan yihiin in ay weftigan qaabilaan kuwaas oo u yimid indho-indhaynta nidaamka dhaqaalaha iyo maaliyadda Somalialnd.

“Ingiriisku waxay Somalialnd kala shaqeeyaan casriyeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka, waanan u mahadcelinaynaa” ayay tidhi Wasiir Samsam.

Wax yar kadib markii ay weftigu soo degeen waxaa la geeyey dekedda Berbera waxana ay kormeereen barcadda cusub ee dekedda ee loogu magac-daray “Wajaale” iyo qaybaha cusub ee dekedda lagu soo kordhiyey.

Intii ay dekedda joogeen waxa weftiga warbixin faahfaahsan oo hannaanka ay dekeddu u shaqayso ah siiyey maareeyaha marsada Berbera Eng. Cali Xoorxoor.

Eng. Xoorxoor wuxu weftiga u sharxay xidhiidhka ka dhaxeeya dekedda berbera iyo hannaanka maaliyidda qaranka iyo qaabka ay isku waafaqsan yihiin.

Waxa isaguna warbixinta taas la mid ah gudbiyey maareeyaha Kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan isagoo si faahfaahsan u soo bandhigay nidaamka iyo siyaadda maaliyadda ee ay kastamadu ku shaqeeyaan, gaar ahaan kastamka Berbera oo ah kan ugu baaxadda weyn uguna dakhliga badan qaranka.

Weftiga ayaa lagu soo warramayaa in ay u bogeen warbixinihii lasiiyey taas oo la filayo in ay wax ka tari doonto sii-socoshada gargaarka ay u fidiyaan Somaliland.

Bandhige@gmail.com