Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Tacsi ballaadhan u dirtay Alle ha u naxariistee Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), oo maalintii Shalay ku geeriyooday Dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iiman Warsame, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Dr Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi iyo Masuuliin kale oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa shir jaraa’id ay ku qabteen Wasaaradda Arimaha Gudaha Tacsi u diray Ehelkii, Asxaabtii iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uu ka Baxay Alle ha u naxariistee Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, waxayna Marxuumka Eebe uga baryeen in uu Janatul-fardowsa ka waraabiyo, denbigiisana dhaafo, Ehelkii, Asxaabtii iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland samir iyo iimaan Eebe ka siiyo Amiin Amiiin.

Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa si wayn uga waramay taariikhda Alle ha u naxariistee Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa.

Halkan hoose ka daawo muuqaalkan warkan: 

bandhige@gmail.com