Xukuumadda oo dib u ogolaatay in qaxootiga Yemen ka soo cararayaa iman karaan Somaliland kadib markii UNHCR aqbashay dalabaadkii loo gudbiyey

Maanta laga bilaabo qaxootigii Soomaalida ahaa ee ka soo cararay qalalaasaha Yemen way ka soo degi karaan dekedda Berbera. Sidaas waxa maanta ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo mar dhawayd shir-jaraa’id ku qabtay xarunta TV-ga Somaliland.

Wasiir Warancadde oo ay shirka jaraa’id ku wehelinayeen Wasiirka Dib-u-Dejinta Cali Siciid Raygal,  Wasiir-Xigeenka Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil iyo Wasiir-Xigeenka Arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, wuxu sheegay in ay UNCHR ka heshiiyeen in ay dadkan tabaalaysan u fidiyaan gacanta ay u baahan yihiin isla markaana siiyaan nool ay ku gaadhi karaan dalkoodii.

Wasiirku waxa uu sheegay in Soomaaliya madaxdeedu ay siyaasadeeyeen arrimaha qaxootiga laakiin adduunku wuu og yahay Somaliland iyo Soomaaliya in ay yihiin laba dal oo kala gaar ah.

Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa isaguna xusay in sababta ay Somaliland u fasaxday qaxootiga ay yihiin iyadoo ay haatan ka heli doonaan UNCHR wixii ay uga baahnaayeen.

“Dawlad waliba xaq bay u leedahay in ay xuduudaheeda xidhato. Taasi waa wax iska caadi ah. Laakiin dadkani baahiyaadka ay qabaan ma ay ahayn kuwo Somaliland kalideed dabooli karayso, markii hay’adihii qaxootigu ka dhago-adaygeen ayaan annaguna goosanay in aan joojino. Haatana iyagii baa ogolaaday in ay u gargaaraan.

24-kii May ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde  jir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa, wuxuna ku dhawaaqay in Somaliland joojisay qaxootigii Soomaalida ahaa ee ka soo qaxayey qalalaasaha Yemen-ta ee Somaliland imanayey.

Wasiirku wuxu maalintaas go’aanka la xidhiidhiyey sababo amni iyo Somaliland oo aan awood u heli doonin ay ku quudiso qaxootiga tirada badan ee ku soo qulqulaya iyagoo hay’adihii caalamku diideen in ay xukuumadda Somaliland ka caawiyaan wax-siinta qaxootiga, maadaama UNHCR dadka reer Soomaaliya ee Berbera imanaya aanay u aqoonsanayn qaxooti laakiin u aragto dad gurigoodii ku soo laabanaya, sidaas daraadeedna ay masuuliyadda koowaad ku riixayaan Somaliland.

In kastoo sida wasiirradu sheegeen ay UNCHR aqbashay caawinta qaxootiga, wasiirku kama uu hadal sida ay uga gaashaanteen khatarii la xidhiidhay dhinaca amniga.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id.

bandhgie@gmail.com