Xukuumadda oo xidhay Suldaan naqdiyey dhacdadii shirgudoonka Wakiilada

Xukuumadda ayaa xalay xabsiga u taxaabtay Suldaan Mawliid Cali Ibraahin Sabayse oo ka mid ah Salaadiinta Beesha Subeer-Awal (Cabdala Sacad). Ciidamo Boolis ah oo uu hor kacayo Taliye-xigeenka ciidamada Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa Suldaan Sabayse xabsiga u taxaabay xalay fiidkii iyaga oo ka soo qabtay Guriga Salaadiinta Subeer-Awal ku leeyihiin Hargeysa.

Illaa hadda ma jiraan wax warar sugan oo dhinaca xukuumadda kasoo baxay oo ku taxaluqa waxa xadhiga Suldaanku daaran yahay, hase ahaatee hadal haynta ugu badan ee illaa xalay cawayskii laysla dhex marayay ayaa xidhigiisa ku xidhiidhiyey shir jaraa’id oo uu Suldaanku todobaadkan dhammaaday bilowgiisii ku qabtay Hargeysa oo uu ku naqdiyey gacan ka hadalkii dhexmaray shirgudoonka baarlamaanka, taas oo uu xukuumadda ku eedeeyey in ay fasaxayso haamaha shidaalka Berbera ee warkoodu ku badan yahay bulshada.

Sidoo kale waxa ka hadlay xadhiga Suldaan Sabayse Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ay wada joogeen suldaan Sabayse markii ciidammadu qabteen oo sheegay in qaabkii loo maray iyo sifihii hawlgalka loogu soo qaaday ay ahaayeen mid anshaxa iyo sharcigaba ka baxsan, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Si anshaxa ka baxsan ayaa naloola dhaqmay, jidadka soo gala guriga oo dhan waxa la dhigay ciidamo, waxaanan ka soo saari doonaa war cad hadii alle idmo mar danbe.”

Ciidammada soo qabtay Suldaan Sabayse ayaa la sheegay in ay ku xidheen laanta dembi baadhista ee CID-da Hargeysa.

Xadhiga Suldaan Mawliid Cali Ibraahim ayaa ku soo beegmaya xili ay isagana xukuumaddu xabsiga u taxaabtay Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo afar maalmood ka hor maxakamad la’aan looga soo taxaabay Hargeysa.

Xukuumadda Siilaanyo ayaa marar badan waxay xabsiga u taxaabay Salaadiin kale duwan oo dhaleelay qaabka ay wax u wadaan.

Xigasho: Hubaal

bandhige@gmail.com