Xukuumadda Somaliland ayaa dacwad kusoo oogtay 12 dugsi oo jabiyay go’aankii gudida Covid-19

Hargaysa(Bandhige) Xukuumadda Somaliland ayaa dacwad kusoo oogtay 12 dugsi oo ah kuwa gaarka loo leeyahay oo jabiyay go’aankii gudida heer qaran ee ka hortagga fayraska Covid-19 ay ku joojiyeen waxbarashada dugsiyada iyo jaamacadaha dalka.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo dacwada kusoo oogtay dugsiyada ayaa sheegtay in isku imaatinta ardayda iyo waalitiintu ay kasoo horjeedo amarkii gudida qaranka ee dugsiyada lagu xidhay sababo caafimaad awgeed.

Dhanka kale Wasaaradu waxay sheegtay in dugsiyada jabiyay go’aanka gudida ay la mid yihiin dambiilayaasha lagu xukumay soo gelinta iyo ka ganacsiga Qaadka, kuwaas oo la iskugu daray xadhig, ganaax iyo hantida dambiga lagu galay oo lala wareegay.

12ka dugsi ee dacwada lagusoo oogay waxay kala yihiin:

1. Baxrayn
2. Nuuradiin Boys
3. Nuuradiin Girls
4. Ilays Primary (Jigjiga Yar)
5. Kaah Primaray
6. Irshaad Girls
7. Aljazeera Secondary
8. Hargaysa
9. Salaama Primary
10. Al-khayr Primary
11. Caalami Primary
12. Future Primary