Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ka warramay sababta xukuumaddu ula wareegtay hotelka hargaysa Club.
Wasiir Saleebaan ayaa sheegay in xukuumaddu ay xaq u leedahay inay lasoo wareegto hantida dawlada ee kujirta gacanta shacabka waxaana haddaladiisa kamid ahaa “dawlada dastuurka ayaa siiyay in xukuumaddu hantideeda cid siin karto lana noqon karto, mid dadku leeyahayna ay la noqon karto”.
Dahnka kale Wasiir Saleebaan waxa uu ku dheeraaday hantida dawlada ee dib loosoo celiyay mudadii xilka uu hayay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.
Halkan ka daawo muuqalka warkan: