Xukuumadda Somaliland ayaa ruqsadii kala noqotay Formula10 oo ah xarun lagu iibiyo daawo dhaqmeedka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaad Somaliland ayaa mar uu ka warbixinayay xaalada Covid-19 ee dalka sheegay in xukuumaddu kala noqotay ruqsadii ay ku ganacsanayeen Xarunta Formula10 oo lagu iibiyo daawo dhaqmeedka,waxaana uu ku sababeeyay in maamulka shirkadaasi ay bulshada ka dhex abuureen shaki.

Maamulaha shirkadaasi ayaa shalay ka hadlay mashiinka shaybaadhka Covid-19 ee Somaliland ayaa ku tilmaamay in uu yahay mid aan lagu kalsoonaan karin.

Agaasimuhu waxa uu dhanka kale sheegay in mashiinka lagu baadhO Covid-19 uu yahay mid tayadiisu ay saraysay oo ay ugu deeqday Hay’adda caafimaadka adduunka ayna joogaan khuburo caafimaaad oo ku xeel-dheer ku shaqaynta mashiinka kuwaas  oo ka socda Hay’adaas.

Bandhige@gmail.com